Wasaaradda Maaliyada Oo Heshiis La Gashay Hay’add Kala Shaqayn-doonta Dakhli Ururinta Iyo Dhaqan-gelinta Miisaaniyada

0
59

IMG_1946Hargeysa  (Hubaal) Wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan  Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi iyo xisaabiyaha guud ee qaranka Axmed Da’uud Geedi , ayaa heshiis la saxeexatay hay’add  Price water house coopers  (pwc) oo ka shaqaysa diyaarinta iyo ururinta dakhliga dalalka horumaray, taas oo Wasaaradda maaliyada kala shaqayn-doonta dakhli ururinta iyo dhaqan-gelinta miisaaniyada.

Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa faah-faahin ka bixisay nuxurka heshiiskan, waxaanu tidhi “Waxaanu halkan u fadhinaa heshiis ay kala saxeexdeen Wasaaradda maaliyada iyo shirkad la yidhaahdo Price  Water  house  Coopers oo Wasaaradda maaliyada kala shaqaynaysa qaybta xisaabaadka guud, habka maaraynta, dhaqan-gelinta Miisaaniyada  iyo xisbaab celinta sidii loo tayan lahaa oo waxyaabahasi ayay kala shaqayn doonaan, heshiiskaasnu saxeexi-doonaa. INSHA ALLAH Waxaanu ka rajaynaynaa madaama oo ay  Shirkadii heshiiska la saxeexanaynay xisaabaadkii guud, Agaasimiha iyo Maxamed Samatar oo ah khabiirka BFM-ka ah heshiiskaa saxeexano, dabadeedna dhaqan-galkiisa sidaa ugu wada shaqayno iyo wada shaqayn wanaagsan oo cidii inala shaqaynaysa in aynu wax ka barano ayaynu bidaynaa, inagana wax la inaga barto oo adduunkuna sidaasu wax ku gaadhay oo kolba khibrada lagu dheer yahayba wax laga bartaa, dabadeena khibardaasa adna sii kordhisaa oo markasay Maskaxadaadu furmaysaa oo adna wax kale ku sii daraysaa beri adna lagaa barto.” ayay tidhi Wasiirka maaliyada Somaliland Marwo  Samasam Cabdi Aadan

Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay intaas ku dartay, “Markaa waxanu filaynaa in aynu shirkadan wada-shaqayn wanaagsan yeelano oo heshiiskaa aynu saxeexanayna noqdo mid tayo yeesha oo dalkeena ka shaqeeya oo wax inagu soo kordhiya oo aan waxba inaga dhimin  INSHA ALLAH.” ayay tidhi Marwo  Samasam Cabdi Aadan Wasiirka maaliyada.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda maaliyada Maxamed Xasan Ibraahin ayaa isna sheegay in heshiiskani muhiim u leeyahay hawlaha shaqo ee Wasaarada, waxaanu yidhi  “Sidaa Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan uga dhawaajisay, waxay ka mid tahay hawlihii hadd iyo jeer maqli-jirteen ee dib u habaynta Wasaaradda maaliyada markaa qayb ka mid ah waxa weeyaan in la xoojiyo, in xisabaadka iyo samaynta Bajadka,  Shirkadan cusub ee aanu heshiiska la saxeexanayno wuxuu naga taageeri-doonaa oo khuburo ka socda shirkadan waxay noqonaysaa inay la shaqeeyaan oo ay dhex fadhiistaan Xafiisyada xisaabiyaha guud iyo Xafiiska bajadka iyo qorshayntaba. Khuburadaasi waxay nagala shaqayn-doonaan siday Wasiirku ka dhawaajisay hab socodka xisabaadka, dakhli ururinta iyo bajad samaynta, hawalahaasay naga caawin doonaan  oo ilaa sideed qaybood ayay ka kooban tahahay dib u habaynta Wasaarada maaliyadu, qayb ka mid ah weeyaan oo siday Wasiirku sheegtay waxaanu diyaar u nahay Wasaarad ahaan iyo xisaabiyaha guud in hawshaasi siday tahay u fulino oo aanu la shaqayno shirkadan kana faa’idaysano.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada maaliyada

Maxamed Samatar oo ka socday xafiiska BFM-ka ee Wasaarada maaliyada ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi   “Waxa anaga farxad weyn noo ah in muddo badan anaga oo ku soo jirnay qaban-qaabada nidaamka xisaabaynta ee maaliyada ee la yidhaahdo BFM-ka (maaraynta nidaamka maaliyada ganacsiga), waxaynu imika taaganahay wakhtigii laga guurayay diyaarinta ee loo guurayay dhaqan-gelintiisi markaa qayb weyn oo ka mid ah tan maanta Wasiirku heshiiskiisa saxeexayso inuu inoo bilaabmay. Waxa weeyaan sidii aynu dhaqan-gelintaasi si mug leh uga faa’idaysan lahayn.”

Dhinaca kale Simon mutinda  oo ah Sarkaal sare oo ka socday hay’adda   Price water house coopers  (pwc) ee heshiiska la gashay Wasaarada maaliyada Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani qayb ka yahay horumarinta shaqaalaha Wasaarada, isla markaana kor u qaadi doono dakhliga dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here