Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland ayaa kulan lagaga wada hadlay sidii qaansheegaha ay daabacaan loogu dari lahaa cashuurta iibsadaha ku waajibtay la yeelatay shirkadaha madbacadaha dalka.
Kulankan oo ahaa wada tashi ayaa ujeedadiisu ay aheyd in shirkaduhu ay ganacsatada ay qaansheegaha u daabacayaan ay ugu daraan cashuurta iibka ee ku waajibtay iibsadaha oo ah boqolkiiba shan.
Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa sheegay in ujeeddada kulankani ay tahay in shirkadaha wali buugta isticmaala ee madbacaduhu ay u daabacaan buugaagta ay wax ku iibiyaan, in lagu daro cashuurta iibka ee ku waajibtay iibsadaha lacagtaas oo ah boqolkiiba shan.
Qaar ka mida mas’uuliyiinta madbacadaha ee kualnkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan shuruucda wasaaradda Maaliyadda ee kor loogu qaadayo dakhliga iyo kobaca cashuuraha dalka. Gabgabdii wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyada Rooda Jaamac Cilmi oo soo xidhay kulankaasi ayaa sheegtay inay uga mahad celinayaan xubanaha kasoo qeyb galay kulankaas siday u ajiibeen codsiga ay wasaaradu usoo gudbisay.