Wasaaradda Maaliyadda Oo Shan Milyan Oo Kale Baanka Dhexe Ku Wareejisay, Eedo Loo jeediyeyna Iska Fogaysay

0
45

Hargeysa:-(Hubaal)-WasiirkaWasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo SamsamCabdi Aadan, ayaa Shalay Baanka dhexe ku wareejisay 5 Milyan oo doollar oo ay bixisay Shirkadda DP World eeMaamusha Dekedda Berbera, taasi oo noqonaysamarkii labaad ee Shirkaddu Dawladda ku wareejisolacagtaasi oo Heshiiskii ay Dekedda kula wareegtayqayb ka ahayd.

samsam oo 5 milyan ku wareejisay baanka

Wasiirka Maaliyadda oo uu Wehelinayey AgaasimahaWaaxda Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyaddaayaa Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Gudaha Baankadhexe ee Hargeysa waxay ku soo bandhigeen LacagtaShanta Milyan ah ee ay ku wareejiyeen Baanka dhexe, si ay u caddeeyaan in Shaqada ay Qaranka u hayaan ka Madhan tahay Musuqmaasuq iyo wax is-daba marin.

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha beriga eeWasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed AxmedCawad oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaafaahfaahiyey waxa lacagtan ay Baanka ku shubeentahay, waxaanu yidhi “Sidii ballanteennu ahayn ShantiiMilyan ee qolada DP World bixinaysay ayaanu kuwareejinaynaa Baanka Dhexe ee Somaliland iyadooXisaabaadka soo martay, Xisaabiyuhuna saxeexay,”

Khasnajiga Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Seed Cali oo isaguna markii uu Lacagtaa la wareegay Shirkajaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan kala wareegayShantaa Milyan ee Hortayda yaalla.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland MarwoSamsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaa ka hadashayayaa tidhi “Waxaanu joognaa Baanka dhexe eeSomaliland, waxaanu Akownka ku shubaynaa ShantiiMilyan ee DP World ee hadhsanaa. Waxaan aad iyoaad ugu Mahad-naqayaa, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Qolada Baanka oo si hufan noogala wareegaLacagta, kuna shuba Akownka Lambarkiisu yahay 11.”

Wasiirka Maaliyaddu waxay ka jawaabtay eedaymouga yimid Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay GuddidaDoorashooyinka ku wareejisay Jeeg aan shaqeynayn, “Beentu waa furaha Munaafaqa, beentii uu Qofku u sheegayey Qof kale ayaa imika lala soo fadhiisanayaaWarbaahinta. Habeen dhawayd waxaan daawanayeyNin weyn oo aan Ixtiraami jiray oo leh Lacagtii laguwareejiyey Komiishanku been bay ahayd oo Baankalaguma shubin. Anigaa Komiishanka u qoray 24 Bilyaniyadoon Bajadka noogu jirin, waana markii la lahaaDoorashadu waxay dhacaysaa bishan Maarij, Madaxweynuhu wuxuu yidhi Lacagtaa waa in la bixiyaa. Afartii Milyan ee Dollar Sarrifkii baa wax ka gooyey, waxayna ku jirtaa Akownka Komiishanka.”Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay inay ka xumaatayHadalka Mucaaradku ku sheegeen inaan Komiishankalagu wareejin Lacagtaasi “Aad baan ugu xumaadayhadalkaa, waayo ? Qof weyn oo intaas oo Qofdaawanayso oo Been Telefiishannada la soo fadhiistay.Markaa Lacagtana (aanu Baanku ku wareejinay) waxaanu sidan u yeellnay (u soo bandhignay) in aan la odhanin Doorkii horeba Lacag caddaan ah ayaa la wareejiyey ee maxaa doorkan Jeegga keenay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here