Wasaaradda Macdanta Oo Dalbatay Caddaymaha Eedaymo Musuq Oo Wasiirkooda Loo Jeediyey

0
38

Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalbaday caddaynta eedaymo musuqmaasuq warbaahinta loo mariyey wasiirkooda Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo daba socday war uu daabacay wargeyska madaxbannaan ee WAAHEEN cadadkiisii soo baxay Salaasa, 1 December 2015, cinwaankiisuna ahaa, ‘Khabiir bartay cilmiga macdan-soo-saarista oo Wasiirka Macdanta ku eedeeyey inuu lunsaday malaayiin macdan ah oo laga soo saaray Simoodi, loona dhoofiyey Shiinaha,’ waxaanay warkaas iyo cidda laga soo xigtayba ku tilmaameen qaar xaqiiqda ka fog oo aan waxba ka jirin.MACDANTA

Wiiska, Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Tamarta oo weriyeyaal ka tirsan wargeysyada Jamhuuriya iyo Sahan ku booqdeen xarunta wasaaradda shalay, ayaa soo bandhigay dukumantiyo dhammaystiran oo muujinaya nooca heshiisyada xukuumadda Somaliland kula jirto shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo hawlo macdan-baadhis ah ka wadda degaanka Simoodi oo ka tirsan Gobolka, caddaymo ku saabsan qaabka iyo hannaankii sharci ee uu maray kontorkii ugu horreeyey macdan Somaliland dibadda u dhoofisay iyo weliba dakhliga dawladda uga soo xerooday 20 ton macdanta loo yaqaan Beryl ore oo dekedda Berbera looga dhoofiyey waddanka China badhtamihii sannadkan 2015.

Masuuliyiintu waxa ay sheegeen inay wasaarad ahaan la shaqayn kari waayeen khabiirka macdanta ee Axmed Maxamed Biixi oo ay caddeeyeen inuu wargeyska siiyey xog xaqiiqda ka fog oo lagu deedafeeyey jiritaanka heshiiska iyo ruqsadda qaranka Somaliland kula galay shirkkadda Shiinaha ee African Resources Corporation (ARC) soo-saarista macdanta degaanka Simoodi, sidoo kalena lagu sheegay in malaayiin dollar wasiirku ku lunsaday 45 ton macdan ah oo dalka laga dhoofiyey.

“Heshiiska iyo ruqsadda macdan-baadhista degaanka Simoodi ee shirkadda African Resources Corporation (ARC) kula jirto Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee khabiirka wargeyska u warramay meesha ka saaray Golaha Wasiirrada Somaliland oo awood u leh xalaalaynta heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gasho ayaa ansixiyey 3 December  2014, waana heshiis qaran oo dhaqan-gal ah.

Shirkadda ARC ee macdan-soo-saarka degaanka Simoodi ayaa ku guulaysatay inay kontiinarkii ugu horreeyey macdanta Somaliland sifo sharci ah ugu dhoofiyaan dalka Shiinaha… Kontiirka waxa ku jiray 20 ton macdanta loo yaqaan Hawshaas waxaannu wasaarad ahaan ka yeelannay ka-fiirsasho iyo taxadar badan, waxaanuna u marnay nidaamka iyo shuruucda caalamiga ah ee yaal dhoofinta macdanaha, si aannu uga digtoonaano in khasaare ku yimaad khayraadka dalka laga soo saaro, waxana qaranka uga soo hoyday cashuur dhan $5,335 doollar oo ku dhacday qasnadda Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Mashruuca macdan-baadhista ee Simoodi waxa Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta masuul uga ah Wasiiru-dawlaha oo ah khabiir sare oo cilmiga macdanta ku soo bartay waddanka Ingiriiska, maamulka hawshaasna wuxuu ku socdaa talada saddexda masuul ee wasaaradda ugu sarreeya – wasiirka, wasiiru-dawlaha iyo agaasimaha guud – waana hawl-wadareed aan qarsoodi ku jirin,” ayey yidhaahdeen madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Waxa kaloo masuuliyiintaasi waxba kama jiraan ku sifeeyeen eedaymaha Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale loogu jeediyey inuu lacago malaayiin dollar ah ku lunsaday macdano kala duwan oo sifo sharci-darro ah dalka looga dhoofiyey, waxaanay arrintaas ku tilmaameen sumcad-dilis iyo ceebayn aan munaasib ahayn oo loola badheedhay wasiirkooda.

Sidaa daraadeed, madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta waxa ay ka dalbeen khabiir Axmed Maxamed Biixi iyo masuuliyiinta wargeyska Waaheen inay keenaan caddaymaha eedaha musuqmaasuqa ay ku xidhiidhiyeen madaxdooda, iyagoo ku hanjabay inay maxkamadaha awoodaha leh u gudbin doonaan dacwad ku saabsan eedaymaha aan jirin ee loo xambaariyey.

Ugu dambayn, waxa ay uga digeen warbaahinta maxalliga ah inay ka fogaadaan wararka faafinta wararka aan salka lahayn ee wax u dhimi kara nabadgelyada guud iyo in caalamku maalgashado khayraadka dihin ee Ilaahay ku mannaystay Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here