Wasaaradda Macdanta Oo Sahamin Shidaal Ka Bilaabaysa Deegaanno Dadkii Ku Noolaa Dhimasho Qarka U Saaran Yihiin Iyo Jawaabta Wasiirka

0
53

macdanta-iyo-tamarta

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa hawlo sahamineed ka bilaabaysa deegaanno ku yaalla bariga dalka oo ah goobo ay abaar baahsani ka jirto, isla markaana dadkii ka hayaameen.

Wasiirka wasaaradda Macdanta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo isaga oo arrimahaas ka hadlaya waraysi siiyey idaacadda VOA-da, ayaa shaaca ka qaaday inay shirkad laga leeyahay waddanka Shiinaha oo lagu magacaabo PGB Ink, ay ku guulaysatay tartan loo galay baadhista iyo sahaminta shidaalka loo tuhunsan yahay inuu ku jiro deegaanno ku yaalla gobollada saraar iyo Sool, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wasaaraddiisu si toos ah u maamulayso sahamintaas.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay shirkaddaasi tartan shirkado badani galeen ku guulaysatay sahamintaas, balse ma jiro wax xog ah oo ku saabsan xilliga iyo goobta lagu baahiyey tartankaas oo ay saxaafaddu haysaa.

Waxa uu intaas ku daray inay shirkaddaasi dhulka shidaalka loo tuhunsan yahay garaacitaan ku samayn doonto, isla-markaana wixii macluumaad ah ee la helo laga iibin doono shirkadaha shidaal baadhista ee adduunka ka jira.

Xuseen Cabdi Ducaale mar uu ka hadlayey saamaynta ay yeelan karto in dhul abaaro ba’ani ka jiraan oo dadkii deganaa noloshoodu halis ku jirto laga ay shirkadi degto, isla-markaana ka bilowdo sahamin, waxa uu tilmaamay in  bulshada halkaas ku dhaqani faa’iido ka heli doonto sahamintaas, taas oo uu tusaale uga soo qaatay shaqo iyo weliba biyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“shaqadu haddii ay ka bilaabantay dhulka abaaruhu ka jiraan ay ka bilaabanto kollay wuxuun bay kordhinaysaa oo ka darimayso baan filayaa mid shaqooyin ka hela, biyo yar oo meel loogu shubo iyo xorfad yar oo loo qodoba, hawshana haddii dibudhac ku yimaaddo waxa dhici karta inuu dib-udhac ku yimaaddo oo ay laalantaba.”

Wasaaradda macdatan, ayaan inta badan samaynin wax wacyigelin ah oo la xidhiidha sahaminta iyo baadhitaanka shidaal ee dalka laga samaynayo, waxana ay taasi marar badan keentay inay dadka ku nool deegaannada sahaminta laga wadaa kacdoono sameeyaan, isla markaana cidda baadhista waddaa joojiso hawlaha ay waddo.

Dadka arrimaha macdan qodista ku xeesha dheer leh, ayaa inta badan wasiirka macdanta ku eedeeya inuu hammuun badan u qabo xaddidida iyo yaraynta xogta shirkadaha sahaminta iyo shidaal baadhista dalka ka wada, isla-markaana aanu macluumaadkooda la wadaagin bulshada iyo saxaafadda madaxa bannaan oo iyadu isku xidhe ka ah arrimahan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here