Wasaaradda Macdanta Oo Shaacisay Inaanu Xeerkii Macdan-qodistu Weli Wakiillada Dhaafin, Xilli Shacabku Is-weydiinayo Sharciga Loo Cuskaday Shidaal Baadhista Dalka Laga Wado

0
48

Ansixin La’aanta xeerarka Shidaal baadhiseed oo loo nisbaynayo Fashilka mashaariic badan oo hore loo qorsheeyey

wasiiru-dawlaha macdanta iyo tamarta

Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland, ayaa markii ugu horraysay xaqiijisay inaanu xeerkii fasaxayey in shidaal iyo macdan dalka laga baadhaa weli ka gudbin golaha wakiillada, isla-markaana gaadhin heer ay golaha wakiilladu ka doodaan.

Wasiiru-dawlaha macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo u warramay Telefishanka Bulsho Tv, ayaa ugu horrayn qiray inaanay wax fudud ahayn in qodista macdanta iyo baadhista shidaalka dalka laga bilaabo, waxana uu yidhi, “guud ahaan waxa macdanta la yidhaahdaa ma aha wax is yar oo fudud loo galo, shirkadaha ka hawlgelayana waxa looga baahan yahay inay lahaadaan dammaanad, markaa caqabado badan baa jira, haddana waddankeena aad baa loo danaynayaa oo shirkado badan baa yimi.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay diyaariyeen xeerkii dalka lagaga baadhi lahaa shidaalka, balse aanu weli gaadhin heer uu ka gudbo golaha wakiillada oo iyagu ah hay’adda xaqa u leh inay xeerkaas lafo gurto oo wax ka-beddel iyo kaabisba ku samayso,“waxanu ku guulaysanay in la helo kalsoonida shirkadaha oo ay kamid yihiin in la helo xeer lagu soo dhiirrado, xeerkaasna waanu samaynay oo golaha wasiirrada waanu dhaafinay, imikana golaha wakiillada ayuu hor yaalla, waxana aanu filaynaa inaanu taasna dhaafin doono, marka taas la helona shirkadaha waa soo jiidan karaa”ayuu yidhi wasiir Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, ayaa muddooyinkii dambe waxa ay la kulmaysay cambaarayn iyo dhaliilo tiro badan, kuwaas oo la xidhiidhay shidaal baadhis xooggan oo ay ka bilowday gobollo bariga dalka kamid ah iyo weliba baadhista macdanaha oo iyadu muddo dheerba ka socotay deegaanno hoos yimaadda gobolka Awdal.

Wasiirka wasaaraddaas oo marar badan laga codsaday in baadhista uu wado uu ka horraysiiyo inuu meelmariyo xeerkii shidaalkaas amaba khayraadkaas lasoo saarayo lagu maamuli lahaa ka horraysiiyo, ayaa ku andacooday inaanay wakiilladu xaq ugu lahayn inay shuruud kaga dhigaan baadhista uu wado inuu xeer horgeeyo, waxana ay taasi keentay in khilaaf badani ka dhasho hawlihii shidaal baadhista dalka, isla-markaana ay hay’ado badani dalka uga baxaan warar is khilaafsan oo laga baahiyey shaqadii ay wadeen.

Dhawaanahan waxa jira khilaafyo cusub oo kasoo kordhay hawlo shidaal baadhis ah oo ay wasaaraddu ka waddo deegaanno intooda badani ku yaalliin gobollada Togdheer iyo Saraar, kuwaas oo dadkii deegaanadaasi kasoo horjeesteen, kadib markii ay wasaaraddu ka gaabisay inay bulshada siiso wacyigelin ku filan oo keenta jawi iyo bulshadaasu kula shaqayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here