Wasiir Ku-Xigeena Waxbarashada Oo Sheegay In Tallaabo Adag Laga Qaadi Doono Ganacsadaha Iyo Cida Sigaar Ama Tubaako Ku Xayeysiisa Goobaha Waxbarashada Iyo Bulshada Dhexdeeda
Hargeysa (Hubaal) Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa caafimaadka. Inkasta oo hal-ku dhigani uu ku qornaa baakidhka sigaarka ee M1 iyo boodhadhka lagu xayeysiinayo oo ku yaala faras magaalaha Hargeysa, haddana waxa barbar socday ereyo lagu xayeysiinayo, isla markaana lagu soo jiidanayo dadka sigaarka caba, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; “mid lamid ahi majiro, iyo ogow waxaad cabeyso M1 ka dooro”. Muuqaaladani ayaa xambaarsanaa boodhadh waaweyn oo lagu dhejiyey goobo kamid ah magaaladda Hargeysa, kuwaas oo kala ahaan, wajahada hore wasaaradda waxbarashada, deyrka dugsiga Sheekh Bashiir iyo xaga hore ee wasaaradda caafimaadka oo iyadu halkaasi laga fujiyey. Tallaabadan ayaa gebi ahaanba waxay kasoo horjeedaa shuruucda caalamiga oo gabi ahaanba dhigaya inaan la xayeysiin Karin sigaarka, maadaama uu dhibaato ku yahay caafimaadka qof kasta oo cabaya. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sanadkii 2003 qaraar ay soo saartay, gaar ahaan qodobka 13aad waxa gebi ahaanba lagu mabnuucay xayeysiinta sigaarka iyo hurumarintiisa, kaasi oo lagu baahiyey dunida, isla markaana nuqul ka mid ah ay yaalaan wasaaradda caafimaadka Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Somaliland oo kamid ah dhinacyada ay khusayso, maadaama goobihii waxbarashada lagu xayeysiinayo sigaar, waxa tallaabo ah ee ay qaadayaan, waxa uu yidhi “waar aad u naxdin ah weeyi, ma naynaan filayn in tubaakada xayeysiiskeeda iyo dhiirigelinteeda oo aynu ognahay inay dunida mabnuuc ka tahay, oo aynu ognahay in aanay bulshada faa’iido u lahayn, isla markaana aynu ognahay in dunidu ay ku jirto sidii ay iskaga dabar goyn lahayd oo ay u adkayn lahayd isticmaalkiisa, waayo tubaakadu waxay ka mid tahay ashyaa’da la ogol yahay imika in la cashuuro 100% si ay u adkaato dadka iibsanaya oo qaali ugu noqdo, isla markaana isticmaalkii bulshadu uu u yaraado, inana inaynu ogolaano goobihii wax lagu baranayay in lagu xayeysiiyo, way runtii tahay nasiib daro inteeda le’eg. ayuu yidhi Mr. Garas oo u waramayay wariye Maxamed Kuraase oo ka tirsan teleefishenka Hctv , waxaana uu wasiirku intaas sii raaciyey “wasaarad ahaan waxbarasho ahaan, tacliinta sare anigoo ku hadlaya afkooda oo ah wasiir ku-xigeenkeedii, arrintan waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo deg-deg ah, cidii arrintaa ku kacdayna sharcigaanu la tiigsan doonaa, waayo qofka ganacsadaha ahi inuu goobtii waxbarashada ku dhajiyo waxay tilmaamaysaa ummadda baab’inteeda iyo dub u dhaceeda, waxaanan ugu baaqayaa, annaga saakana u dirnay goobtaasi ciidan, kana goynayna dibna u dhici mayso. Aniga iyo wasiirkuba maadaama aanu ku cusub nahay halkan, haddana waxaanu ka yeelan doonaa siyaasad cad goobaha iskuulada ee lagu xayeysiiyo tubaakada ama sigaarka” sidaas ayuu yidhi wasiir xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Mr. garas oo u waramay wariye Maxamed Kuraase oo ka tirsan HCTV .