Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Shaacisay Xiliga La Qabanayo Imtixaanka Shahaadiga Ah Iyo Jadwalka Fasaxyada

0
11

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan oo uu wehelinayo agaasimaha wasaaraddasi, Axmed Abokor oo shalay warbaahinta la hadlaya, ayaa shaaciyay in la qabanayo imtixaanka kala duwan ee shahaadiga ah, waxaanay tilmaameen kal-tirsiga dhinaca waxbarashada ay wasaaradaasi qorshaysay.

“15-ka June sanadkan aynu ku jirno ayaa imtixaanadii shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe, fasalka sideedaad ama fasalka afraad ee dugsiyada sare. 15-ka bisha ogos ee sanadkan waxa la shaacin doonaa ama lagu dhawaaqi doonaa natiijada imtixaanada, sanadka cusub ee waxbarashada wuxuu bilaabmayaa bisha Ogos tobankeeda. Bilowga tteramka labaad wuxuu noqon doonaa bisha feebarwari kowdeeda ee 2020. Fasaxyada xagaagu waa isku mid sanadkan iyo kii horeba, sanadkana isku mid bay noqonayaan, 13-ka June ilaa sagaalka Ogos ayaa fasaxa xagaaga ee sanadkan iyo sanadka dambeba ay noqonayaa.” Ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan

Agaasimaha guud ee wasaaraddasi, Axmed Abokor ayaa isna yidhi; “Qorshaha waxbarashadu wuxuu ku soconayaa nidaamka waafaqsan shuruucda qaranka iyo xeerarka kale ee wasaaraddu samaysay” ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here