Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa shir balaadhan u qabatay maamuleyaasha dugsiyada iyo kormeerasha (supervisors) ee waxbarashada Somaliland. Kulankaasi oo uu shir gudoominayay wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa waxa lagu qabtay hoolka weyn ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.
Kulankan ayaa waxa shahaado sharaf iyo abaalmarin lacageed ah lagu guddoonsiiyay kormeerayaashii sida wacan ugu hawlgalay sidii uu u hirgali lahaa imtixaanka shahaadiga ee waxbarashada Somaliland.
Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay guddoomiyaha imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa iyo sidoo kale sidii uu u dhacay imtaaxaanaadka shahaadiga ahaa ee waxbarashada qaranka Somaliland, waxaanu talooyin usoo jeediyay dhamaan ardaydii u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah iyo sidoo kale maamuleyaasha dugsiyada “waxaanu ku dadaalaynaa inaanu soo saarno imtixaanka bisha Ogust kowdeeda, annagoo tixraacayna wareegtadii wasiirka. Runtii wakhti yar ayaanu haysanaa, laakiin haddana waanu ku dedaalaynaa. Ayuu yidhi madaxa xafiiska imtixaanaadka qaranka
Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka sidoo kale waxa uu ka hadlay iskuulada diiwaangeliya ardayda kahor intaan la shaacin natiijada imtixaanka, waxaanu isagoo ka hadlayana uu yidhi; “waxaan maamuleyaasha usoo jeedinaynaa, inaanay arday qaadan Karin, ilaa iyo inta aanu ku dhawaaqayno natiijada, waayo qiimaha imtixaankaa hoos u dhacaya. Waa inaanu tixgelinaa wareegtadaa wasiirka, haddii aanu nahay xafiiska imtixaanaadka iyo haddii yihiin maamuleyaasha dugsiyada. Kormeerka iyo agaasimayaasha waaxahana waxaan ka codsanayaa inay dabagal ku sameeyaan, waayo marwalba waxa innagu bilaab imtixaankoon soo bixin baa layidhaa ardaydii iskuul hebel arday buu qaatay.” Ayuu yidhi
Gabagabadii wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane oo halkaasi hadalo kooban ka jeediyay, isla markaasina shahaado sharaf abaalmarino ku gudoonsiiyay xubnihii doorka laxaadle ka qaatay ee ku suntanaa, isla markaasina door weyn ku lahaa sidii uu u hirgali lahaa imtixaankaasi shahaadiga ah, waxaana uu yidhi “raggu aad baa loo wada shaqeeyey, inna shaqadii way beerdaraysay, raggii se aadka u shaqeeyay noomay suurtogalin inaanu halkan kuwada sheegno, laakiin in kamid ah ayaanu kasoo xulanay oonu kasoo qaadqaadanay, taasina macnaheedu maaha intaas uun baa xilkii gudatee, waxoo dhami liis kusoo wada bixi doonaan. Laakiin waxaan garanay raggii lacagta loo keenay ee diiday laaluushkii, inaan farxadda Ciidda yar xusno uun baanu garanay.” Ayuu wasiirku kusoo afmeeray hadalkiisa.
Kormeerayaasha dugsiyada sare iyo dhexe ee la guddoonsiiyay shahaado sharaftan ayaa kala ah:
- Muxiyadiin Cabdi Shiil
- Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan
- Cali Aadan Beyle
- Axmed Maxamed Caddaad
- Khadra Cawil Maxamed