Hargeysa:(Hubaal)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa ka dayrisay xaaladda guud ee xoolihii dalka ku noolaa, waxana ay shaaca ka qaadday inay abaartu laysay wax ka badan kala badh xoolihii miyiga ku dhaqnaa.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Cabdirashiid Riyo-raac oo shalay arrintan ka hadlay, ayaa shacabka iyo xukuumaddaba ku canaantay dhibaatada deegaannadii xooluhu daaqi jiree loo geystay oo uu xusay inay sabab u tahay in la waayo meel waqtiga adag xoolaha lagu samato-bixiyo, waxana uu yidhi, “Marka horeba dhulkii xooluhu daaqayeen qaran ahaan iyo shacab ahaanba waynu u dayacnay, sababta oo ah waxad moodaysay inaanu dhulku hantideena ahayn, annaguna wasaarad ahaan waxanu tiro koobka ku haynaa in xoolihii noolaa ay 60%(boqolkiiba) baxeen weliba ay Idihii aad u dhinteen, waana masiibo qaran, annaguna wasaarad ahaan wixii aanu karaynay waanu ku caawinay oo dorraadba dhakhaatiir baanu dirnay.”
Dhinaca kalena waxa uu wasiiru-dawluhu ka hadlay neef bakhtiyey oo la wariyey in dhawaan la isku dayey in hilibkiisa dadka magaalada laga iibiyo, iyada oo dadkii arrintaas lagu eedeeyeyna xidhan yihiin, waxana uu shaaca ka qaaday in aanay wasaaraddiisu shaqadaas lahayn oo aanay u oollin, “Wasaaradda Xannaanada shaqadeedu ma aha inay xoolaha meelaha lagu qalayo iyo neefka bakhtiyey ilaalisee shaqadayadu waa inaanu xanuunka xoolaha dadka kasoo gaadhi lahaa ilaalino, neef kasta oo la qalayona inta aan la gawricin dhakhtar baa dul taagan oo inuu dhalayo iyo inuu xanuun qaboba eegaya,” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac.