W/Q:- Kamaal sh Ismail Aden
Wasaarada beeraha Somaliland waxay u taagan tahay horumarinta wax soo-saarka dalka iyo in la helo isku filnaanshiiyo dhinaca cuntada.
Wasaarada beeruhu waa wasaarada masuulka ka ah beeraha dallaga wadanka Somaliland, intaas waxaa u dheer wasaaradani waxay maamushaa isla markaana ilaalisaa dhamaan noocyada cuntada wadanka ka baxa ama lagu beero .
Haddaba wasiirka beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Dahir Ibrahim ayaa ah masuulka uu madaxweyne axmed maxamed maxamud siilanyo uu u igmaday in uu noqdo wasiirka wasarada beeraha waa markii uu madaxwaynaha jamhuuriyadu uu arkay aqoonta iyo kartida shakhsi ee uu leeyahay Dr maxamed aw daahir.
Shakhsiyadda wasiirka :- Dr. maxamed aw dahir waa shakhsi ehlu diin ah kuna sifoobay sifooyinka dadka wanaagsan ee saalixiinta ah waana aqoon yahan ka dhisan dhinaca diiniga iyo maadigaba.
Masuulkani wuxuu kasoo shaqeeyay meelo badan oo ka mid dalka gudihiisa iyo dibadiisa wuxuu leeyahay khibrad shaqo oo aad u dheer , wuxuuna ka mid yahay wasiirada ugu dadaalka badan eek u jira dawlada.
Haddaba masuulkan intii uu joogay wasarada beeraha wuxuu ku sameeyay isbadal muuqda oo la taaban karo isagoo shaqaalo waynaha wasaradaasi uu ka yeelay kuwo si rasmi ah u shaqo taga uguna shaqeeya qarankan saacadihii lagu waajibiyay, waxaa kale oo uu shaqaalaha uu u sameeyay tabobaro joogto ah si loo helo shaqaale aqoon iyo xirfad leh waxaa kale oo intii uu joogay uu wasiirku uu keenay lap casri ah oo lagu baadho ciida si loo ogoodo nafaqadeeda waana lap aan hore dalka loo keenin, sidoo kale wuxuu wasaaradii uu ka yeelay mid si toos ah ugu xidhnaata hay’adaha dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ay ka dhaxayso wada shaqayntu, hadda wasaradu waxay leedahay haykal wasaaradeed wuxuu meesha uu ka saaray isdhex yaacii ay kaga tageen wasiiradii isaga ka horeeyay.
Masuulkani waa masuul ka xanaaqa musuqmaasuqa, laaluusha iyo wax-isdaba marinta waana masuul hal adayg leh oo daacad u ah shaqada uu qaranka uu u hayo isagoo fulinaya dhaartii iyo balan qaadkii xukumada axmed siilaanyo.
Madaxwayne siilaanyo wuu asiibay in uu masuulkan uu u doorto wasaarada beeraha sababtoo ah wakhtigii koobnaa ee uu joogay wasaarada Dr maxamed aw daahir wuxuu wasaaradan uu ka dhigay mid bilic iyo qurux leh iyadoo la jaan qaaday wasaaradihii kale ee dalka.
Guntii iyo gabo gabadii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo waan ku hambalyaynayaa mar hadduu aqoonyahan u qalma wasaarada beeraha uu u magacaabay wuuna asiibay madaxwaynuhu aqoonyahankaa uu u xushay, waxaana taa marag ka ah sida waadixa ah ee masul maxamed aw dahir uu uga soo baxay shaqadii uu qaran uu u hayay……alaylahe Wasaraddii Beeruhu Hadday Heshay Wasiirkeeddii.
W/Q:- Kamaal Sh Ismail Adem
Email:- kamaalsheekh@gmail.com