Wasiir Baa Yimi Oo Noqday Macno Samaynmaysee, Somaliland Haka Faa’idaysato Fursada Afaafka U Taagan

0
13

Qalinkii: Axmed Gobanimo

Somaliland isbaddal wanaagsan ayaa ka bilaabmay Xaga arrimaha dibedda oo wufuuda farabadan ee maalinkasta dalka yimaada waxay ceelalyo u yihiin aqoonsigii dalkani rubuc qarni iyo dheeraadka raacdaynayay. Hadaba waxaan talo kusoo jeedin lahaa maanta fursad muddo la sugayay ayaa albaabka Soo garaacdee aynnu ka wada faa’idaysano. Caalamku wuxuu rabaa inuu Somaliland aqoonsado, sidaas daraadeed Somaliland waa inay shuruuda ah horta na aqoonsada hordhigtaa,Waayo maanta danba laynaga leeyahay. Haddii kale wasiirkii difaacaa yimid oo noqday macno samaynmayso.

Waxana waajiba inaynu dhammaanteen gacmaha iswada qabsano oo arrimaha yaryar ee jira aynu soo afjarno.

Madaxwayne Muuse Biixina waxaan ku hambalyeynayaa turxaan-bixinta uu bilaabay, taas oo qurxinaysa inay Somaliland noqoto ummad halkan qaranimo u wada halgamaysa.

Xukuumadan maanta joogtana way nasiib badantahay waayo arrimo hore iyo kuwa dhawaan lagu howlgalayba waxay innoo soo jiideen in beeshii caalamku tartan kusoo gasho

Hadaba dhammaanteen waxaa innaga go’an in Somaliland la ictiraafo, taas oo muddo dheer innagu qaadatay imikana loo bahan yahay in cidda midida daabkeeda haysa ay Shurud adag hordhigto cidda ina danaynaysa, taas oo ah marka hore na aqoonsada haddii kale waxay noqon uun wasiirbaa yimid haddana noqday ama ciidamaanu idiin tababari iyo arrimo shacbiga soo dashaday.

Kuwaas oo markasta aannu ku maqalno war-saxaafadeedka madaxtooyadda, Waxaa laga wada hadlay xoojinta labada dal Amniga iyo isku socodka, Arday baanu idiin qaadi Iyo ciidamo ayaanu idiin tababari, dhammaan Kalmadahaasina runtii shacbigu wuu ka daalay.

Maanta kalmada aqoonsiga uun baannu hordhigaynaa cidda innoo timaada, waannan ku kalsoonahay madaxwayne Muuse Biixi oo qaranimada ku adag, laakiinse hadaan xukuumadda la garab istaagin, kaligood waxba wadi karimayaan.

Dhinaca kale markaynu wax cabirayno waxaynu eegnaa Muqdisho ayaa laga qayliyay, Somaliya dowlada makhsinka lagu ilaaliyo in aynnu waxka cabirno maaha waayo waxaynu isku jirnaa inta cirka iyo dhulku isu jiraan, soomaaliduna waxay tidhaa; Nin fadhigaaga arkaya looma sarakaco, wax innagaga xidhan garanmaayo ee danteenna aynnu wadano meel fiican baynu maraynaa, waxaynu noqonay dalka kaliya iyadoon ciddi usoo gurman tashaday, dowlad samaystay qaran dhan dhistay, aakhirkiina doorashooyin samaystay, taas oo dalka jaarku awoodi la’yihiin doorasho shacbigu coddeeyo oo kolba ciday rabaan doortaan iyo ummad isku tanaasulaysa.

Guntii iyo gabagabadii, halganka loogu jiro in Somaliland la aqoonsado dhammaanteen waa inaynu ka wada qaybqaadanaa oo danta gaarka meel iska dhignaa.

Illaahayba mahadleh

Qalinkii: Axmed Gobanimo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here