Hargeysa (Hubaal) – Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka soo jeeda deegaannada Gobolka Saaxil, ayaa taageero ballaadhan u muujiyey heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera oo dhexmaray Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan shirkadda DP World, kuwaasoo sidoo kale ka difaacay eedaymaha loo jeediyo qaabka heshiiskaas loo galay.
Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Wasiir-ku-xigeenka Wershadaha Md. Cali Axmed Maxamed (Dhegoole) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in heshiiska maalgashiga dekedda Berbera yahay mid faa’iidooyin waaweyn ugu jiraan bulshada ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dadweynaha Gobolka Saaxil, sidaas darteedna ay muhiim tahay in si buuxda loo wada taageero, loona soo dhaweeyo.
“Dawladda Somaliland waxay qabsatay looyaro, iyadoo la illaalinayo in xuquuqda dadkan Somaliland, si wanaagsana loo gallo heshiis isku dheeli-tiran. Weli ma dhicin dal la aqoonsaday, markaa innaga oo aan haysan aqoonsi caalami ah, ayey ragga hoggaaminaya qaranka Somaliland, waxa ay xirfad iyo aqoon ku soo heleen heshiis maalgashi caalami ah oo ay la galeen shirkad caalami ah, heshiiskaas oo lagu tayeynayo maalgashiga, laguna samaynayo dekedda Berbera oo mar la tayeynayo, marna qaybo dheeraad ah lagu kordhinayo,” ayuu yidhi Md. Cali Dhegoole.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan dadka reer Somaliland iyo bulshada Gobolka Saaxil u soo jeedinayaa in la sugo inta la soo dhammaystirayo heshiiskaas, lamana odhan karo dadka masuuliyiinta ah ee heshiiskaas horkacayaa ma laha aqoon iyo karti ay heshiiskaas ku galaan. Waxa hoggaaminaya Dr. Sacad Cali Shirre (Wasiirka Arrimaha Dibadda) oo cidna ugama lexejeclo badna Somaliland, reer Saaxil-na wuuba ka dhashay. Nina ogolaan maayo in la lumiyo xuquuqda dalkiisa iyo dadkiisa.”
Wasiir-ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya si xoogan uga soo horjeedsatay heshiiska Somaliland la gashay dalka Imaaraadka Carabta, sidaas darteedna aanay haboonayn in dadka reer Somaliland u hiiliyaan go’aanka Soomaaliya ku diidan tahay in Somaliland si madaxbannaan u gasho heshiisyo caalami ah.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo sheegay in ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay cid u dooratay hoggaaminta dalka, isla markaana madaxda qaranku ku ammaanan yihiin dedaalka loogu jiro horumarinta iyo maalgashiga waddanka Somaliland.
“Ma filayo in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu go’aan qaldan ku hoggaaminayo ummadda reer Somaliland, cid walibana waa ka markhaati waxa uu dalka ku soo kordhiyey iyo waxa uu rabo inay raan-dhiis u noqdaan ummaddiisa, ayaad ayaanan ugu mahadnaqaynaa, xilkiisiina wuu gutay,” ayuu yidhi Md. Ramaax.
Badhasaabka Awdal, ayaa si qoto-dheer uga sheekeeyey in dad uu ku tilmaamay in aanay xil-kas ahayn ay hortaagnaayeen maalgashiga iyo horumarinta Gobolka Saaxil ilaa sannadkii 1945-kii, waqtigaas oo dawladda Ingiriisku doonaysay inay warshad shidaalka sifaysa ka samayso magaalada Berbera, isagoo xusay in dadkii waqtigaa joogay Berbera ay diideen in la sameeyo warshadaas la doonayey in lagu sifeeyo shidaalka ka soo baxa dalalka Carabta.
“Waxa aan aad uga xumahay in rag iska dhigaya aqoonyahanka ummadda ay ka horyimaadaan haddii la yidhaahdo Berbera wax ha lagu soo kordhiyo. Marka uu yimaado Mashruuc ku kacaya $442 milyan oo doollar, halkee ayeynu ka werwersanahay oo ka baqaynaa? Runtii waa wax aad loola yaabo. Waxa aan u soo jeedinaynaa xukuumadda in aanay cidna kaga gaban heshiiskan maalgashiga oo weli socda, maantana meel wanaagsan maraya (wejiga labaad ee heshiiska oo ka socda Imaaraadka), wixii dan u ah ummaddana aanay cidna u dhegaysan,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in masuulka Dekedda Berbera ay war fiican oo bushaaro ah ka bixiyeen heshiiska dawladda Somaliland la saxeexatay dalka Imaaraadka Carabta, ayna muhiim tahay in la qaato warbixinta xukuumaddu ku caddaysay faa’iidooyinka heshiiska dekedda Berbera, balse aanay sax ahayn in cid aan arrintaas waxba ka ogayn ay suuqa ka dacaayadayso heshiiska taariikhiga ah.
“Shaqada waxa aynu uga dambaynaynaa kolba cidda qaranku u igmaday ee gacanta ku haysa, waxaynanu raacaynaa warbixinaha uu ina siiyo Maareeyaha Dekedda iyo wasiirrada qaabilsan ee masuuliyadan iska leh,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan Siciid Cali.
Waxaannu intaas ku daray; “Waynu ognahay in shaqo la’aan ka jirto dalkeenna, dawladuna way ogtahay qaybta dalkeeda ka shaqaysa, masuuliyadda saarana waa inay dadkeeda shaqo u samayso, laakiin masuuliyadda dawladda saaran maaha inay ummadda shaqo tirto, wayna ka hadashay dawladdu in aan la taabanayn shaqaalaha ka hawlgala dekedda Berbera oo wax la eryayo aanay jirin, iyadoo shaqaalaha lagu tabbabari doono qalabka cusub ee laga hirgelinayo dekedda, mana jirayso in dad ajaanib ah inta ay yimaadaan ay qalabkan ku shaqeeyaan, laakiin, waxa laga dhigay in shaqaalaha immika ka shaqeeyo xirfadooda sare loo qaado.”
Waxa kaloo uu sheegay in bulshada Somaliland iyo dadweynaha reer Saaxil ay faa’iidooyin badan oo dhinaca dhaqaalaha ah ka heli doonaan heshiiska maalgashiga dekedda Berbera, sidaas darteedna ay waajib tahay in la soo wada dhaweeyo.