DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Wasaaradda Biyaha SOMALILAND Oo Madal Isugu Keenay Laba Hoggaanka Dhaqanka Ee Beellaha Cali-Geri Iyo Barkad
WASIIR Baashe Cali Jaamac Oo Miis Isugu Keennay Wefti Kasoo Kicitimay Buuhoodle oo ay Hoggaaminayaan Madaxda Dhaqanka Ee CALI GERI iyo BARKAD
Hargeysa (Hubaal) Hadhimo Uu wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac Magaallada Hargeysa Ugu Sameeyey Wefti kasoo kicitimay Gobolka Buuhoodle oo ay hoggaaminayaan madax dhaqameedka beellaha Cali Geri iyo Guulleed Garaad [Barkad] oo labadooduba ka tirsan Beellaha Dhulbahante ayaa kulmisay wejiyo kala duwan oo qaarkood kala baadeen. Wasiir Baashe Cali Jaamac waxaa hadhimada uu sameeyey kasoo qayb galay Aqoonyahanno, Madax dhaqameed, saraakiil dawladeed iyo Weliba Mujaahidiin kala duwan.
Sidoo Kale Waxaa Qado sharaftan oo Hotel DIIRIYE ee magaallada Hargeysa ka qabsoontay ka qayb galay wasiirro, Agaasimeyaal iyo Xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.