“Ina Muumin Seed isku beel baanu nahay xisbi mucaarid ah buu ka yimi mana aha cid baa laga shakiyaaye, haddii ay cid iga wanaagsani jirto waa la dirsan doonaa”Cabdilaahi Dheere
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa ka dareen celiyey aragtidiisa ku wajahan siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo dhawaan kusoo biiray xisbiga KULMIYE, kuwaas oo quud-darraynaya inay xukuumadda xilal ka qabtaan.
Wasiirka oo u warray Star Tv, ayaa si gaar ah uga jawaabay su’aal la xidhiidhay dareenka uu ka qabo siyaasi Axmed Muumin Seed oo ay isku beel yihiin, isla markana dhawaan kusoo biiray xisbul-xaakimka KULMYE, kaas oo la filayo inuu xil ka qabto xukuumadda, isla-markaana ay dadka qaarkii cidda loo sadqayn doono u arkaan wasiirka laftiisa.
Cabdilaahi Ibraahim Habane waxa uu sheegay inaanu wax sas ah ka qabin siyaasi Axmed Muumin Seed oo dhinaca KULMIYE usoo digo rogtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ina Muumin Seed isku beel baanu nahay xisbi mucaarid ah buu ka yimi oo waanu soo dhaweynaynaa, mana aha cid baa laga shakiyaaye madaxweynahaa cid dirsada, haddii ay cid iga wanaagsani jirtona waa la dirsan doonaa.”
Dhinaca kalena waxa uu wasiirku shaaca ka qaaday inuu shir degdeg ah la geli doono hoggaanka sare ee Jaamacadaha dalka ka hawlgala, isla markaana uu kala hadli doono sidii loo meelmarin lahaa isticmaalka lacagta Somaliland, “Jaamacadaha shir baanu la geli doonaa oo waanu la xisaabtamaynaa, shilinka haddii aan la socodsiinna qiimo yeelan maayo oo waraaqdaas la tuurayo ayuu noqonayaa, inaguna dollarka ma lihine shilinka Somaliland baynu leenahay”ayuu yidhi Cabdilaahi Dheere.
Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habane waxa uu farriin u diray wasaaradda Maaliyadda oo uu uga digay inay dugsiyada waxbarashada ee ay cashuuraha ka qaaddo lacago Dollar ah weydiiso, waxana uu caddeeyey in haddii arrintaasi caddaato ay iska hor iman doonaan labada wasaaradood, waxana uu yidhi,“Wasaaradda maaliyadda waxan ka codsanayaa dugsigii aan ku idhi macallinkaagii shilling Somaliland ah sii oo ardaygaagii Shilling Somaliland ah ka qabo, marka isagii macaash-macaash laga doonayo ama liisan loo goynayo haddii Dollar la weydiiyo inagii baa iska hor imanayna.”