Wasiir Cabdillaahi-dheere Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyey Lifaaqa Wareegto Ay Ksoo Saareen Arday Wax-ka-barta Laba Dugsi Sare Oo Hargeysa Ku Yaalla

0
140

“Haddii Caddaymahaas La Waayo, Looma Aqoonsana Arday, Wax Xaquuq Ah Oo Ay Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Ku Yeelanayaana Ma Jirto”

Wareegto Uu Soo Saaray Wasiirku oo Waxbarashada Lagaga Joojiyey 295 Arday oo Dhigta Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Dugsiga Sare ee Gaarka Ah Ee ALJAZIIRA, Oo Uu Sheegay In aanay Soo Marin Jaran-jaraddii  Waxbarashada

Hargesa (Hubaal)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ayaa xalay soo saartay wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka waxbarashadu taasi oo waxbarashada ka joojinaysa arday la sheegay inay sifo sharci darro ah ku dhigtaan dugsiga sare ee M.A.Ali iyo  dugsiga sare ee ALJASIIRA  oo isagu kamid ah dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla magaallada  Hargeysa. Wareegtadan oo lagu socodsiyey laamaha kala duwan ee waxbarashada ee wasaaraddu ka koooban tahay laguna ogaysiiyey madaxda qaranka oo uu ugu sarreeyo madaxweyne Siilaanyo ayaa nuqul kamid ah oo wargeyska HUBAAL soo gaadhay waxaa uu isaga oo faahfaahsan u dhignaa sidan:

Ku: Guddoomiyaha Waxbarashada G/Maroodi-jeex Bari                  Hargeysa

Ku: Agaasimaha Waaxda Dugsiyadda Gaarka ah                                                Hargeysa

Ku: Agaasimaha Waaxda Dugsiyadda Sare                                                           Hargeysa

Ku: Maamulaha Dugsiga Sare ee M. A. Cali                                                             Hargeysa

Ku: Maamulaha Dugsiga Sare ee Al-jasiira                                                              Hargeysa

Ku: Mulkiilaha Dugsiga Sare ee Al-jasiira                                                                 Hargeysa

Og: Xafiiska Guud ee Imtixaanaadka                                                                         Hargeysa

Og: Agaasimaha Waaxda Kormeerka ee W. W. & T. Sare                   Hargeysa

Og: Agaasimaha Guud ee W. W. & T. Sare                                                                              Hargeysa

Og: Wasiir Ku-xigeenka W. W. & T. Sare                                                                   Hargeysa

Og: Wasiiru-Dawlaha W. W. & T. Sare                                                                        Hargeysa

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL                                                                                           Hargeysa

Og: Wasiirka Madaxtooyada JSL                                                                                                Hargeysa

Og: Madaxweyne Ku-xigeenka JSL                                                                                           Hargeysa

Og: Madaxweynaha JSL                               

 

  Ujeeddo: Ka-Joojin Arday Sharci Daro Ku Dhigata Dugsiyadda Sare ee M.A.Cali & Al-jasiira

Sida laga wada warqabo kormeero & baadhis joogto ah ayaa laga fuliyay Gobolladda Dalka JSL, kuwaasi oo lagu hubinayay tayadda waxbarashadda sanad-dugsiyeedkii 2015/2016/2017. Sida aynu wada ogsoonahay waxa wiiqay tayadda waxbarashadda arday aan soo-marin jaran-jaradii waxbarashadda ama dhacdayba oo hadana dugsiyadda sare iyo jaamacaddaha gala, loona ogolaado iyada oo aan wax shahaado ah lagu xidhin.

Haddaba, si ay wasaaraddu wax uga qabato arintaasi waxa si rasmi ah loo gudo-galay sifaha ay ardaydu ku fadhiisato dugsiyadda. Kormeerkii guud waxa uu soo xaqiijiyay in ardayda dhiganaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali fasaladiisa 1aad 2016/2017 ay dhamayd 295 (laba boql iyo shan & sagaashan) arday, waxa shahaado haystay oo la xaqiijiyay 170 (boqol iyo toddobaatan) arday oo keliya, waxana shahaado la’aan ku fadhiya 125 (boqol iyo shan & labaatan) arday. Sidoo kale isla dugsigaas ardaydiisa fasaladda 2aad iyo 3aad ee sanad-dugsiyeeka 2016/2017 waxa ay dhamayd 112 (boqol iyo laba & toban) waxa sharciyad ku fadhiyay oo keliya 20 (labaatan) arday, inta aan sharci ku fadhiyin ee aan imtixaankii horena ku jirin waxa ay dhamayd 92 (laba iyo sagaashan) arday.

Dugsiga sare ee Al-jasiira waxa fasalka 1aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 arday tiradoodu dhan tahay 120 (boqol iyo labaatan). Sida ay kormeerku soo xaqiijiyeen waxa sharci haystay oo keliya 26 (lix iyo labaatan) arday, halka ay sharci-daro ku fadhiyeen 94 (afar iyo sagaashan) arday. Dhinaca kale, ardayda fasalada 2aad iyo 3aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 waxa sifo aan sharci ahayn ku fadhiyey 61 (kow iyo lixdan) arday.

C.laahi-Ibraahin-HabaneArdaydani aan kor ku soo sheegnay ee aan sifo sharci ah ku fadhiyin dugsiyadda ujeeddada sare ku xusan markii laga baadhay go’aankii imtixaanka ee sannad-dugsiyeedkii 2014/2015 iyo 2015/2016 iyo kuwii ka horeeyayba, isla-markaasna sannad-dugsiyeedkani 2016/2017 kii ku fadhiistay shahaadad la’aan, waa laga joojiyay in ay dib uga mid noqdaan ardayda labada dugsi, ilaa inta ay keenayaan caddaymo loogu ogolaan kar ka mid noqoshada dugsiyadaasi iyo fasallada ay ku jireenba.

Haddii caddaymahaas la waayo, looma aqoonsana arday, wax xaquuq ah oo ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ku yeelanayaana ma jirto. Xafiisyada ay khusayso ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxa la farayaa in ay ku camal falaan go’aankani, hubaal-celina ka keenaan helitaanka wareegtadani.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdilaahi Ibrahim Habane

Wasiirka W. W. & T.  Sare

C.laahi-Ibraahin-Habane

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here