Wasiir Cabdirashiid Gargaar Oo Hoggaanka Dhaqanka SOOL Ku Gaadhsiiyey Taageero Dhaqaalle Oo Ay xukuumaddu U Fidisay

0
106

Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobollada Bari Ee Somaliland Iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Gaadhay Deegaanka Dhumay Oo Laba Beelood Ku Dagaalameen Gaadhsiiyeyna Gaadiid Raashin Ahwasiir gargaar

 Hargeysa (Hubaal) – Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiiru dawlaha nabadeynta iyo Horumarinta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar) kaas oo ku sugnaa gobolka Sool, waxaana isaga iyo Garaadka Guud ee Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Maamulka gobolka iyo Taliye Qaybeedka Ciiddanka Qaranka Laascaanood, ay  gaadheen Deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ka socotay nabadeynta Laba Ardo oo Beelaha wada dega oo dhawaan colaadi ku dhex martay xalkeedana lagu jiro. Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa gaadhay Deegaanka Koonfurta Gobolka Sool ee Magaaladda Dhamay, halkaasi oo isaga oo ay weheliyaan Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Badhasaab  ku xigeenka gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar, Taliyaha Qaybta,Ciiddanka qaranka Gobolka Sool, Xubnaha Isimadda golaha sare Dhaqanka gobolka Sool, waxaana uu wasiirku halkaasi gaadhsiiyey Gaadiid Raashin uu guddidaasi ku wareejiyey isaga oo warbixin ka dhegaystay guddida madax dhaqameedka ee gacanta ku haysa arinta nabadeynta Labada Beelood ee Deegaanka dhamayo ku dagaalamay. Sidoo kale waxaa uu wasiirku kulan la yeeshay hoggaanka dhaqanka ee gobolka sool  waxaanu guddida dhaqanka ee deegaankaas ku wareejiyey  taageero dhaqaalle oo ay kamid yihiin raashin, isaga oo uga xog warramay in ujeedada kulankan iyo gacanta taageero ee loo fidinayo dadka deegaankaasi ay ka turjumayso siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilanayo ku hoggaaminayo qaranka guud ahaan, gaar ahaanna uu ku derder galinayo dadka deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.   Ugaas Jaamac Ugaas Ismaaciil oo isna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan u maleynayaa ninkii jiray wuxu yidhi Nuur iyo Naaleeyaba waynu u joogna, waxa weeye maanta halkan waynu wada joognaa runtiina aad iyo aad waxaan ugu mahadcelinayaa intii ka qayb qaadatay, daminta colaada umadda walaalaha ah ama shaqaaqadii ka dhex dhacday labadan Isim ee Ardaayadda walaalaha ah ee wax dhex mareen, waxaana aad u mahadsan hadii ay noqoto Ciiddanka Qaranka Somaliland iyo hadii ay Beelaha guurtiddooda iyo Salaadiintooda tahayba iyo Culimaddaba”.  “Xaqiiqadii nabadeynta halkan ka socotay iyo wixii halkan ka socda in aanu idin la qaybsano dhibka iyo boodhka aad ku jirtaan in aanu ogaano ayaanu idiinku nimid wefti ahaan oo wixii caqabado ah iyo wixii idin hortaagan” sida waxa yidhi Taliye Qaybta ee Ciiddanka qaranka  gobolka Sool. Badhasaab ku xigeenka gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar oo isaguna ka mid ahaa Weftiga wasiiru dawlaha ku wehelinaayey Socdaalka ay ku gaadheen Deegaanka Tuuladda Dhamay ee Koonfurta gobolka Sool oo laga wado nabadeynta beelaha walaalaha ah ee halka ku dagaalamay waxa uu yidhi “Waxa ina soo gaadhay Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiiru dawlaha nabadeynta iyo horumarinta Goboladda Bari ee Somaliland md Cabdirashiid  Xuseen Gargaar, waxana weftiga ka mid ah, Taliyaha Qaybga gobolka, Badhasaab ku xigeenka iyo madax dhaqameed iyo Isimo uu garaadku ka mid yahay”. Guddoomiyaha guddida Nabadeynta Deegaankaasi Oday Maxamuud Sanweyne oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Halkan anagu waxaanu u joognaa  Geedkan Hoostiisa waa adkeynta Nabadgelyadda Beelaha walaalaha ah oo waxaanu hadada geedkan ku hoos fadhinaa waa Isimaddii, madax dhaqameedkii, waxgarad, Culimo kuwaas oo dhamaantood nabadda u diyaar ah, Alxamdulilaah meel fiican ayey hada nabadu maraysaa oo waxay maraysaa in laysku yimaado oo labadii Beelood isku yimaadaan oo isma hurayaan oo waa walaalo, waxaana la yidhaahda colaadu waa madhalays, waayo waad og tihiin oo hadii ay colaadi dhacdo oo ragii hore dhinto  ragu guriga ma galo oo habeenkii waa baqayaan, maalintiina qofka dumar ahi ma ogola mana rinto, waxaana uu sido kale wasiiru dawluhu nagu wareejiyey laba gaadhi oo Raashin noocyo kala duwan iskugu jira saaran yahay oo loogu talo galay in dadka dhibaatadu ku dhacday lagu wareejin doono ee Beelaha walaalaha ah ka mid ah”.  Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar) oo ugu dambeyntii ka hadlay u jeedada socdaalkiisa iyo hawlaha culus ee nabadeynta Beelaha isku dhacay waxa uu yidhi “Aad iyo aad waxaan ugu mahadcelinayaa marka hore ciiddanka qaranka Somaliland iyo madaxdiisa ee uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gurmadkii ay halka ka galeen, dhibaatadii halka ka dhacday iyo sidii xalkeeda ay uga hawgaleen ee uga jawaabeen aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa, waxa kale oo aan aad iyo aad uga mahad celinayaa safarka iyo dhibaaadda ay u galeen odayaasha guddida labada beelood, runtii anaga oo is aragnay hawsha dhacday gurmadkeeda Ciiddanka qaranku door weyn ayuu kulahaa, Culimadda, madax dhaqameedka Beeluhuba door ayey ku lahaayeen daminta colaadaasi beelaha is leh dhex martay, waan ogahay oo madaxda dhaqanku door wacan ayey leedahay marka ay colaadi dhacdo xalka ay ka galaan, anigaygaasi aad aragtaan sidii ayaan u soo taaganahay ilaa maalintii arintani dhacday, waxaanan ugu badanahay dhibaatadda iyo rafaadka ugu badani marka laga yimaado qoysaskii ay geeridu ku timid aniga weeye qofka ugu badan ee rafaadku ku dhacay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here