Wasiir Caddaani Oo Bulshada Dib U Xasuusiyey Colaado Uu Dalka Ka Huriyey Hoggaamiye Xirsi Waqti Shacabku Nabad Ku Naaloonayeen

0
89

“Ma kii Komishanka iska casilay ee baabuurta qoryaha saaray umada oo deggen ayaa maanta ka sheekayn kara maalintii aynu dalka soo galnay?….,”Wasiir Caddaani

“WADDANI-yow Cabdiraxmaan Cirro Caddaani buu ka dhammaan la’yahay mar uu Kaadi walaaqdo iyo mar kaleba,….”

cadaani

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa dhaliilo culus dusha u saaray hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo murrashax Cabdiraxmaan Cirro, waxana uu soo bandhigay gefaf is-daba joog ah oo ay labadan masuul umadda ka galeen.

Wasiir Caddaani oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey taageeraal cusub oo kusoo biiray shalay, ayaa bulshada dib u xasuusiyey iimaha iyo dhacdooyinka lama illaawaanka ah ee uu hoggaamiye Xirsi degenaanshaha iyo wada-jirka bulshada ku kala faquuqay waqti  dalku degennaansho iyo nabad ku sugnaa, waxana uu yidhi, “Kii Komishanka iska casilay ee baabuurta qoryaha saaray umada oo deggen ayaa maanta ka sheekayn kara maalintii aynu dalka soo galnay, shalay isaga oo aan KULMIYE ogayn buu komishanka ka tegay, haddana xilkii ugu weynaa wasiirradaas loo dhiibay oo madaxweynihii oo aan ogayn buu iska casilay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku farriin u diray xisbiga WADDANI, waxana uu shaaciyey inuu murrashaxoodu dhaafi la’yahay cayda iyo aflegaadada madaxda qaranka,“WADDANI-yow Cabdiraxmaan Cirro Caddaani buu ka dhammaan la’yahay mar uu Kaadi walaaqdo iyo mar kaleba, waana arkayaa nin weyn oo madaxweyne doonaya oo caytamaya,” ayuu yidhi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani.

Wasiir Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani waxa uu hoosta ka xarriiqay in cidda nabadda qiimaheeda garanaysaa tahay cidda colaadda soo martay ee halganka soo gashay oo ah guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu yidhi, “Waxa aynu nabadda u dhiibanaynaa oo xabbadda garanayaa ma aha kii aan soo dagaallamini waa ka ay xabbaduhu ku jiraan oo ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kaas Ayaan og sida ay noloshu tahay iyo sida Somaliland lagu hoggaamin karo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here