Wasiir Caddaani Oo Caddaalad Uu Magac Cusub Kula Baxay Wasaaraddiisa Ka Hirgeliyey, Tallaabo Hore Looga Cabsadayna Ku Dhiirraday

0
33

Gudaha Ka Akhri Magaca Cusub ee Wasiirka Loo Bixiyey iyo qaddarka Gunnooyinka Ee Derejooyinka Kala Duwan Ee Shaqaaluhu Qaadan Doonaan

wasiir-cadaani-1

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa ku guulaystay inuu meesha ka saaro kala sarrayn aan caddaalad ku dhisnayn oo muddo dheer ka dhex taagnayd shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, waxana uu meesha ka saaray cabashooyin aan kala joogsi lahayn oo ay shaqaaluhu muddo dheer tirsanayeen.

Dib-uhabayn sida la sheegay socotay muddo  toban bilood ah socotay oo uu hormood ka ahaa wasiirka wasaaraddaasi, ujeeddadeeduna ahayd sidii loo simi lahaa gunnada iyo mushaharka  iyo ay qaataan shaqaalaha waaxyaha kala duwan, agaasime waaxeedyada iyo madax-qaybeedka wasaaraddu, ayaa ugu dambayntii shalay sir rasmi ah loo shaaciyey in gunnooyinkooda iyo mushaharkooda la simay, iyada oo meesha laga saaray kala sarrayn iyo sed-bursi caddaaladdaro ahaa oo sanado badan soo taxnaa, isla-markaana wasiirradii hore xilalka wasaaradda kasoo qabtayna ay ka cabsadeen.

Madal lagu shaacinayey in hannaan caddaaladeed laga hirgeliyey mushaharka iyo gunnooyinka shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, isla-markaana si weyn loo simay shaqaalaha isku derejada ah, ayaa ku dheeraaday cabashooyin taxane ahaa oo uu la kulmayey intii uu wasaaradda xilka ka hayey, “waxan idiin sheegayaa dhammaantiin waxyaabihii aan la kulmay wixii ugu weynaa waxa uu ahaa cabashada shaqaalaha, waxana jirtey cabasho badan oo ka jirtey gunnooyinka ay qaataan shaqaalaha wasaaraddu oo aan isku dheeli tirnayn oo dad badan oo siman oo isku shaqo ahi ay qaadan jireen lacag aan isku mid ahayn, iyada oo cabashadaasi ay In badan soo noqnoqanaysay” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Wasiir Cismaan Cabdilaahi Caddaani oo jaangoynta hannaanka caddaaladeed ee wasaaraddiisa kadib ay shaqaalihiisu magaciisii u beddeleen CADDAALI, ayaa faahfaahiyey habka  uu wax u furdaamiyey iyo meelaha ay cabashadu ka jirtey, waxana uu yidhi,“Markaan cabashadaas arkayna waxa lagama maarmaan noqotay inaanu samayno dib uhabayn ballaadhan oo xagga gunnooyinka iyo mushahaarooyinka ah guud ahaanba wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta, waxana aanu dib u habayn ballaadhan ku samaynay dhammaanba shaqaalaha wasaaradda oo dhan marka laga soo bilaabo agaasime waaxeedyada, agaasime kuxigeennada, madax qaybeeddada, maamulayaasha iyo dhammaanba shaqaalaha oo dhan, waxana ay ay dib u habayntaasi u kala baxdaa laba qaybood oo kala ah dad loo kordhiyey lacagtii ay qaadan jireen iyo dad laga jaray gunnadii ay qaadan jireen ee faraha badnayd.”

Isaga oo wasiir Caddaani sharraxaya sida ay shaqaalaha derejooyinka kala duwan ee wasaaraddu  mushahar ahaan iyo gunno ahaanba u kala qaadan doonaan, ayaa waxa uu yidhi,“shaqaalaha derejada A-da ayaa qaadan doona 1918000(milyan iyo sagaal boqol iyo sideed iyo toban kun) oo Shiling, waana qof kasta oo aan xil haynin, haddii uu xil hayona 800,000(siddeed boqol oo kun) derejada B-da ayaa qaadanaysa 15912000sl shl,  derejada C-da ayaa iyaduna qaadan doonta 1013000 slshl, waxana derejeda D-da qaadan doontaa 711000slshl(toddoba boqol iyo kow iyo toban kun).”

Shaqaalweynaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa si weyn ugu riyaaqay go’aanka midho dhalay ee wasiir Caddaani ku dhiirraday, waxana ay si siman uga wada markhaati fureen inuu taariikh cusub hirgeliyey, isla-markaana ay abaal badan  oo aan la ilaawi Karin u hayaan.

Cabashada shaqaalaha ayaa muddo dheer soo taagnayd, waxana ku guuldarraystay inay cabashada shaqaalaha wax ka qabtaan wasiirro tiro badan oo wasaaradaas soo hogaamiyey, balse wasiir Caddaani ayaa ugu dambayn noqday masuulkii arrintaas ku guulaystay ee si siman shaqaalaha ugu sharciyeeyey mushahar iyo gunnooyin ay derejo ahaan ka siman yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here