Wasiir Cali Dhegoole Iyo Agaasime Saleebaan Oo Haldoorka Berbera Ugu Baaqay Taageerrida Heshiiskii Dekedda

0
43

“Madaxweynaha Somaliland Waxaan Ku Amaanayaa Horumarka Uu Ka Sameeyey G/Saaxil Shantiisano Ee Xilka Dalka Uu Hayey”  Sheekh Saleebaancali dhegoole & saleebaan

Hargeysa  (Hubaal) –  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warshadaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (cali dhagoole) iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Saaxil ugu baaqay inay taageeraan heshiiska Somaliland ku abshirtay ee ay la gashay shirkadda DP World, isla markaana heshiiskani yahay kii ugu horeyey ee dalka iyo dadka reer Somaliland helaan. Wasiir ku xigeenka Warshadaha Cali Axmed Maxamed ayaa dhalinyarada ku booriyey in aanay dheg u dhigin xubno si khaldan u fasirtay heshiiska xukuumada Somaliland la gashay DP World, kuwaas ka soo horjeeda horumarka gobolka Saaxil, waxaanu carabka ku dhuftay in heshiiskani yahay mid shaqo abuur ah oo muwaadiniin badani ka shaqo galayaan. Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa isna dhankiisa waxa uu sharaxaad shaafinaysa quluubta bulsho-weynta gobolka Saaxil ku fasiray muhiimada uu leeyahay heshiiskani isagoona sidoo kale baaq usoo jeediyey bahda dhalinyarada, aqoon yahanka iyo mudanta gobolka Saaxil, isagoo ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan Horumarka gobolka u soo hoydey isla markaana aaney dhageysan dad aan fahan badan ka haysan faa’iidooyinka uu leeyahay heshiiska DP World lala galay oo ah mid manfac badan u leh qaranka Somaliland. Dhanka kale agaasimaha guud ee awqaafta ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeeyey horumarka uu ka sameeyey shantii sano ee xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ay talada dalka haysay waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku amaanayaa horumarka balaadhan ee la taaban karo ee shantiisano xukuumadiisu talada dalka haysay ku talaabsadey gobolka Saaxil maadaama xukuumadihii ka horeeyey uu ahaa gobol cidlo ah heshiiskan hadda xukuumadu dalka iyo dadka u keentayna waa mid kor u siiqaadaya horumarka gobolka Saaxil, sidoo kale masuuliyiintan ayaa xubno xildhibaano ah o mucaaridey heshiiska dekada ugu baaqay inay inay sugaan wakhtiga la soo hordhigo golaha wakiilada umaddana tashuushka ka daayaan, masuuliyiintan ayaa si wadajir ah amaan balaadhan usoo jeediyeen safiirka  Somaliland u fadhiya isu tagga imaaraadka carabta Baashe Cawil oo ay ku amaaneen waxqabadka la taaban karo ee uu mudadii xilka hayey ku talaabsadey sidoo kale waxay ku mahadiyey doorkii uu ku lahaa heshiiska xukuumadu la gashay DP World, ugu dambayna masuuliyiintani ayaa wasiirka wasaarada maaliyada somaliland ku amaanay waxqabadka ay ka samaysay wasaarada maaliyada iyo ka shaqaynta horumarka dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here