Wasiir Cali-Marreexaan Oo Cabdiraxmaan Cirro Ugu Jawaabay Hees Dhaanto Ah Oo Ay Ku Luuqayso Fanaannada Nimco-dareen

0
61

“Immika Mucaaridka Waxan Leeyahay Inantii Heesta Dhaantada ah Qaadaysay Waxay Aragtay Inankii La Dhaanteynayey Oo Yara Baqaya, Markaasay Tidhi………” 

cali mareexaan

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland  Md. Cali Xasan Maxamed(cali-marreexaan), ayaa difaacay saldhigga Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera, waxana uu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay kashooda ka saaraan baqaha ay ka qabaan xukuumadda Imaaraadka. Wasiir Cali Marreexaan oo ka hadlayey madal lagu xusayey maalinta dhallinyarada Somaliland, ayaa soo bandhigay sida ay bulshada reer Somaliland xidhiidhka wanaagsan ula leedahay dalka Imaaraadka Carabta, waxana uu tilmaamay in dhammaanba magaalooyinka waaweyn ee dalka ku yaallaa leeyihiin xaafado loogu magac daray magaalooyinka Imaaraadka. Ugu Horeynse waxaa uu Cali Marreexaan si fiican uga sheekeyey maalintii dhagaxtuurka ee dawladdii siyaad barre Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Bacda salaan waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhamaan dhalinyaradda reer Somaliland meelkasta ay joogta waxaan leeyahay  hambalyo taariikhda dheer ee laga sheekeyey ee ay leedahay maalintani ee 20kii February 1982kii raggii xogogaalka u ahaaba halkan ka sheekeyey ee marka waaweynaa ee cukuse-yo ka mid yahay laakiin anigu maalintaas burco ayaan joogay dhawr cisho ka dib ayuu mudaharaad ka dhacay biriishka burco  kan labaad maahe kii hore ayaa labada koone ciidamo la odhan jiray daraawiish oo barigaas jiri jiray oo xoog weynaa ay labada koone istaageen oo dhalinyaradii biriishka ka daadatay baan ku jiray barigaa, markaa taarikhdaa dheer ee la soo maray  waxaa gunteedii iyo gaba gabadeedii maanta aynu hadhsanaynaa qaranimada, madaxbanaanida , nabad galyadda iyo hour-marka dalka ka jira ee aynu maanta ku talaabsanay taasay tahay midhaheedi in lawada ilaashado oo xoog iyo xoog loo ilaashaddo.” Ayuu yidhi wasiirku. Dhinaca kale waxaa uu la dardaarmay dhalinyaradda dalka oo dhan waxaanu yidhi: “dhalinyaradda anigu kolay waxaan kula dardaarmayaa waxa weeyaan sida aad la wada socotaan dalkeenu mustaqbalkiisu  aad iyo aad buu u fican yahay waxaana ugu wacan dhalinyaradda oo boqolkiiba 70% ay dhalinyaro tahay taasina waa ididiilo fiican waxaana fiican in aad iyo aad looga waaniyo balwadaha, umaddeena waxaa ku furan qaad oo 700,000 (todoba boqol oo kun) sanadkii la siisanayo qaad waxaana weeyi dadkii waaweynaa ee ka horeeyey ay u horsadeen, dhaqaalihii iyo naftii iyo caafimaadkiiba wuu dilayaa.” Gebogabadii hadalkiisa, waxaa uu wasiir Cali  ku dheeraaday saldhiga iyo maalgashiga uu wadanka imaaraadku ina siinayo waxaanu kula taliyey dadka shacabka ka bajinaya inay ka daayaan shacabka waswaaska ay galinayaan

waxana uu yidhi, “Magaalooyinkeena mid aanay ku oollin xaafad ABU DUBAI la yidhaahdaa ma jirto, magaalada aan degenaa ee Burco xaafad baa magacaas la yidhaahdaa, Hargeysa xaafaddaasi way ka jirtaa Boorama-na way ka jirtaa, markaa dadka caynkaas ah ee nafta iyo dhaqaaluhu iskaga keen xidhan yahay haddii la inoo bahalo geliyo oo la yidhaahdo Imaaraad way ina liqayaan sax ma aha, garna ma aha.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xisbiyada mucaaridka ah ugu maahmaahay Hees dhaanto ah oo uu sheegay inuu dhawaan dhegaystay, taas oo ay wada qaadaan wiil iyo gabadhi, [Fanaanka Axmed Budul iyo Fanaananda Nimco Dareen] isla markaana ay gabadhu wiilka ugu sheegayso inuu cabsida iska saaro oo badheedhihiisa dhiibto, “Beri dhaweyd hees dhaanto ah baan dhegaystay oo Gabadh baa kililka shanaad hees dhaanto ah ka qaaday, inantii heesa dhaantada ah qaadaysay waxa ay aragtay inankii la dhaanteynayey oo yar baqaya, markaasay tidhi WAAR HA CABSAN CADOWGEENII MA JOOGEE, imika mucaaridka waxan leeyahay waxba ha baqanina Imaaraadku waa dal muslmi ah oo dhaqaale leh, inana liqi maayaane ha inoo gorayo khuukh-leynina”ayuu yidhi wasiir Cali-marreexaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here