Wasiir Cali-marreexaan Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Wasiirka Duulista Oo Raalli-gelin Kula Sii Sugay Albaabka Diyaaradda

0
89

Wasiir Farxaan Aadan Haybe Oo Madaarka Kusoo Dhaweeyey Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Nuxurka Raalligelin Buuxda Oo Uu Ka Bixiyey Weedho Maamulaha Madaarka Kasoo Yeedhay

“Waxa Jiray Kelmado Aan Wanaagsanayn Oo Ku Jiray Hadalladii  Masuuliyiinta Wasaaraddayda Gaar Ahaanna Maamulaha Madaarka Oo Aan  Is Leeyahay Aflegaado Iyo Qadaf Bay Ahayd, Kuwaasna……..”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Duulista Hawda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haybe Ayaa Raaligalin Ka Siiyey Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed Hadal Hore Uga Soo Yeedhay Maamulaha Madaarka. Wasiirka duulista oo kamid ahaa masuuliyiin madaarka ku soo dhaweeyey dhigiisa hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Marreexan)   Ayaa Sheegay Inuu Raaligalin Ka Bixinayo Ka Wasiir Ahaan Hadaladii Qadafka Ahaa Ee Kasoo Yeedhay Maamulaha Madaarka Caasimada, Hadaladaas Oo Ka Dhashay Arintii Gabadhii Raacaysay Fly Dubai. Wasiirka Ayaa Sheegay In Arintaas Sulux Ku Dhameeyeen Isla Markaana Iska Laabxaadheen Labadooda Dhinacba. Isagoo Ka Masuula Wasaaradda Duulistana Raaligalin Buuxda Ka Bixinayo Hadaladaa Lagula Kacay Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed. Ugu horeyn wasiirka hawlaha guud waxaa uu tafaasiil ka bixiyey Soo-guryo-noqoshadiisa iyo Natiijada safar 2 toddobaad Ah Oo Uu Turkiga Ugu Maqnaa. Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Warbixiyey Safarkiisa, Isagoo Sheegay Inuu Kulamo Sare Lasoo Qaatay Wasiirka ArImaha Dibadda Turkiga iyo Reysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Turkiga, Waxaanu Tilaamay In Turkigu Diyaar Uyahay Inuu Somaliland La Sameeyo Hadda Wixii Ka Danbeeya Xidhiidh Toosa. Wasiirka Ayaa Sheegay In Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Kawada Hadleen Sidii XIdhiidh Toosa Uwada Yeelan Lahaayeen, Sidoo Kalana In Turkiga Somaliland Ka Caawiyo Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha Uguna Horeyso Wadooyinka Oo La Inaga Caawiyo. Dhinaca Kale Wasiir Ayaa Sheegay Inuu Kulan La Soo Qaatay Reysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Turkiga, Wuxuuna Tilmaamay Inuu Yahay Qof Xogogaal U Ah Somaliland, Sidoo Kalana Ahaa Ninkii Gacanta Ku Hayey Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Intay Socdeen. Ugu Danbeyn Wasiirka Ayaa Sheegay Inuu Guul Ugu Soo Dhamaaday, Waddanka Turkiguna Somaliland La Sameyn Doono XIdhiidh Wanaagsan, Dhinaca Kalana Maalgashi Dhinaca Dhismaha Ah Ka Sameyn Doonaan Shirkadaha Dhismaha Ee Waddankaas Laga Leeyahay.

Raalli-gelintii Wasiirka Duulista hawadu siiyey dhigiisa hawlaha guud

 

Wasiir Farxaan Aadan Haybe oo warbaahinta kula hadlay madaarka kadib soo dhawaynta wasiir Cali Marreexaan aya isaga oo ay hareero taagan yihiin masuuliyiin uu agaasimaha guud ee wasaaradda duulistu ka mid yahay waxaa uu raalligelin ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay maamulaha madaarka kuwaas oo qadaf  iyo meel ka dhac uu ku tilmaamay. “ugu horeyn waxaanu soo dhawaynaynaa wasiirku safarkaa qiimaha leh ee uu  Turkiga ku tagay, waxaanay ka mid tahay uun koley waajibaadka qaran ee qof kasta ka saaran in uu dhinaciisa ka guto”. Sidaas ayuu wasiir Farxaan araar ballaysin ah uga dhigay hadalkiisa waxaanu intaa ku daray “koley saxaafaddu iyadaa kolba wixii jira ee [hot issue] ah u soo horreysiisa ….waana sababta aan idiin lahaa wax su’aal ah maad haysaan oo dhacdadii madaarka ka dhacday ku saabsan….waan ka hadlayaa arrintaas oo waa tii dhacdo yari ka dhacday madaarka, run ahaanna dhacdadaas waanu ka wada hadalnay  oo si fiican baanu wasiirka uga sheekaysannay, duruuf iyo wixii ay lahaydna waanu ka wada sheekaysannay run ahaanna waanu iska laab xaadhannay wixii ay arrintaasi xambaarsannayd. Masuuliyad qaran baana runtii keennaysa dareenka soo baxay laakiin waajibku waxa weeyey in dulqaad iyo xikmad lagu dhammeeyo wixii dareen ah ee jira sidas darteed wasaaradda duulista eeaan wasiir ahaan ka masuulka ahay waxa jiray kelmado aan wanaagsanayn oo ku jiray hadalladii  masuuliyiinta wasaaraddayda gaar ahaanna maamulaha madaarka oo aan  is leeyahay warbixintii dhacdadii madaarka ka dhacday way ka baxsanayd oo aflegaado iyo qadaf bay ahayd, kuwaas aniga oo masuuliyiintii wasaaradda duulista hormood u ah waanu ka raalligelinay wasiirka [hawlaha guud] ayuu yidhi wasiirka duulista hawadu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here