Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa si badheedh ah u diiday in saxaafaddu wax su’aalo ah ka weydiiso madaxweynaha safar uu maalintii shalay ugu amba baxay dalka imaaraaadka carabta. Wasiir Cukuse, ayaa daqiiqado ka hor intii aanu madaxweynuhu bilaabin hadal kooban oo uu safarkiisa ka yidhi, waxa uu si gaar ah ula faqay raxan wariyayaal ahayd oo madasha ku sugnayd, waxana uu marti uga noqday inaanay madaxweynaha wax su’aalo ah weydiinin oo kaliya qaataan waxa uu isagu yidhaahdo. Wariyayaasha oo waxoogaa isyara giijiyey, ayaa ugu dambayntii aqlabay Codsigaas, waxana ay kaga dhabeeyeen inaan madaxweynaha Su’aalo la weydiinin.
Wasiirka ayaa mar saxaafaddu si gaar ah wax uga weydiisay sababta uu u diidan yahay in madaxweynaha su’aalo la weydiiyo waxa uu ku andacooday inaanu madaxweynuhu arrintaas qaadi Karin, isla-markaana uu maanta [shalay] saxaafad ahaan ka codsanayo inay ku ixtiraamaan soo jeedintiisaas oo aanay ka hor iman, waxana uu ku guulaystay inaan wax su’aalo ahi imanin. Lama garan karo sababt uu wasiirka warfaafintu u diidan yahay in saxaafaddu madaxweynaha safarkiisa ujeedadiisa iyo wixii kale ee ay uga baahan tahayba weydiiso, balse waxa si weyn loo dareensan yahay in xaaladda uu haatan dalku ku jiraa keeni karto inuu madaxweynuhu faahfaahiyo waxyaabo aan xubno wasiirku kamid yahay rabin inay dibadda usoo baxaan, waana ta keentay in wasiirka lasoo faro inaan madaxweynaha su’aalo la weydiinin shalay. Madaxweyne Siilaanyo waligii ma diidin in su’aalo la weydiiyo marka uu dalka imanayo iyo marka uu ka tegayaba, waxase inta badan su’aalaha dhexda u galo xubno kale oo iyagu aan doonayn inuu madaxweynuhu yidhaahdo waxa uu rabo inuu sheego. Hore ayey u dhacday in wasiirka Warfaafinta iyo afhayeenka Madaxtooyaduba is hortaagaan Su’aalo la doonayey in madaxweynaha la weydiiyo, iyadoo la arkayey madaxweynaha laftiisa oo diyaar u ahaa inuu jawaabo ka bixiyo su’aal kasta oo la weydiiyo.