Wasiir Cukuse Oo Kasoo Ag-Wareegi Waayay Kulan Guddida Wakiillada U Qaabilsan Ilaalinta Hantidsa Qaranka La Yeelan Lahayd Maanta

0
27

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed daahir (Cukuse) ayaa ka dhaga adaygay inuu hor yimaado guddida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland oo u yeedhay si ay wax uga waydiiyaan hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayso wasaaraddiisu.

CukuseWasiir Cukuse oo la filayay maanta inuu hor yimaado guddida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada ayaa markii labaad hor iman waayay guddidaas,oo diyaar ugu ahaa xafiiskooda ay golaha ku leeyihiin,taas oo warbaahintu isha ku haysay kulankan ay guddidu ula balan sanayd wasiirka warfaafinta.

Xubnaha guddida golaha u aabilsan ilaalinta hantida qaranka ayaa ku hungoobay gebi ahaanba kulankan ay wasiirka u balansanaayeen Waxaanay saacado badan ku jacdadeen xafiiskooda.

Arrintan ayaa muujinaysa xilkasnimo darada wasiirka warfaafinta oo baalmaray shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla oo jidaynaya in golaha wakiilladu ay wax ka waydiin karaan masuuliyiinta kala duwan ee xilalka kala duwan qaranka u haya,waxaana laga dhulsugayaa tallaabada golaha wakiilladu arrintan ka qaadan doonaan.

Hubaalmedia.net

Hargeysa….Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here