Dhallinyarada UDUBSOOR ayaa si weyn u naqdiyay hadal ka soo yeedhay dhawaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kaas oo ah Madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa koowaad ee Xisbiga KULMIYE waxaanu u dhignaa sidan:
“Mudane Wasiir, Ma tihid afhayeenkii Xisbiga KULMIYE, madaxweynuhuna waxa uu u baahan yahay nasin. Murashaxa koowaad ee Xisbigu waa ninka ay doortaan Golaha Dhexe ee KULMIYE, mana ogin meel jagadaas loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa aanu leennahay, hadalkaas kuma matashid qoys, qaran, qabiil iyo cid kale midnaba, keliya waxa aanu kuu aragnaa nin calooshiisa ka wakiil ah oo ilaashanaya xilka luggooyada ah ee aad ka hayso qaranka Somaliland.
Waxa aanu leennahay fadlan, Madaxweynuhu ha la hadlo ummaddiisa oo ha u sheego hankiisa siyaasadeed. Ma dhegaysan karno hadba masuul laga dhex hadlayo. Waxa aanu CUKUSE, Waabeeye iyo inta la midka ah ugu baaqaynnaa in aanay ummadda u sheegin go’aan aanu KULMIYE isku raacin
Allaa mahad leh
Siciid Maxamuud Gahayr (Maroodijeex)
Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Daadmadheedh)
Khadar Gaaxnuug Koosaar (Togdheer)
Saleebaan Siciid Jaamac (Maroodijeex)
Cabdiraxmaan Muuse Cismaan (Sanaag)
Cabdillaahi Muxumed Jaamac (Gebiley)
Cabdiqani Ibraahin Cige (Saaxil)
Cabdi Jaamac Ismaaciil (Hawd)