Wasiir Dhawaan Qawaday Xil Loo Magacaabay Oo Sheegay In Xubno WADDANI ahi Sabab U Ahaayeen Go’aanka Uu Xilkaas Ku Aqbalay

0
73

 “Mar aan saluug yar muujiyey oo magaalada lasoo geliyey inaan iscasilay way jirtey,waxanse  faa’iiday  Markii dadkii aanu isku qoyska ahayne xisbiga WADDANI ku jirey ay  xaggii xukuumadda usoo wada yaaceen markii ay maqleen waxbaa iscasilay,”Wasiir Khadar Xaaji

wasiirka-cusub-ee-haqanka-dalxiiska-khadar-xaaji-yuusufHargeysa:(Hubaal)-Wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, Md.Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa faahfaahiyey saluug la weriyey inuu ka muujiyey xilka loo igmaday oo  markii dambe laga soo ladqabeeyey.

Wasiir Khadar Xaaji oo u warramay weriye Caydaruus Beershiya oo katirsan telefishanka Somali Cabel, ayaa dhinaca kalena jawaab adag ka bixiyey hadallo  uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo haatan katirsan xisbiga WADDANI ku weeraray madaxweyne Siilaanyo iyo isku-shaandhayntii uu sameeyeyba.

Ugu horrayn wasiir Khadar oo jawaab ka bixinaya dhaliisha ka timi Ismaaciil Buubaa, ayaa hoosta ka xariiqay inuu ex. Wasiir Buubaa ku suntan yahay dibin-daabyada umadda reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ismaaciil Buubaa-yow dhawr iyo laabtan sano ayaad waddankan dillaal ka ahayd oo aad magacooda, diinta iyo sharaftoodaba iibsanaysay oo aad sidii loo burburin lahaa ka shaqaynaysay, imikana tii oo shaadh kale huwan uun b aad halkan la joogtaaye wax kale maad samayn.”

Khadar Xaaji waxa uu markii ugu horraysay shaaca ka qaaday sababta uu uga soo noqday saluug is-casilaad gaadhay oo uu xilka loo magacaabay ka muujiyey, isaga oo sheegay in xubno xisbiga WADDANI ku abtirsanaa gucle usoo galeen shaqada uu diiday, “mar aan saluug yar muujiyey oo magaalada lasoo geliyey inaan iscasilay way jirtey, laakiin iscasilaad may ahayne saluug bay ahayd, waxanse ka faa’iiday in dadkii aanu isku qoyska ahayne xisbiga WADDANI ku jirey ay markiiba xaggii xukuumadda usoo wada yaaceen markii ay maqleen waxbaa iscasilay, taasna waxan dadka kula talin lahaa in marba cidda ay la joogaan ay daacad u noqdaan” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here