Hargeysa(Hubaal):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon), ayaa ka hadlay Saldhig Millateri oo dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysato Madaarka Diyaaradaha magaalada Berbera iyo Dhul-xeebeedka Badda ee ku beegan oo dhan 40km oo iskuweer ah, kaasoo ay Siyaasiyiinta Mucaaradka, Culimada qaar iyo Dad kaleba ku tilmaameen mid dhib u soo jiidi kara Somaliland.
Inkasta oo aan heshiiska kamadambaysta ah ee Saldhiggaas weli dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku si rasmi ah qalinka ugu duugin, haddana waxa jira is-faham hordhac ah oo ay ka gaadheen hirgelinta Saldhiggaas, iyaga oo weli wadahadal kaga jira Saldhiggaas Imaaraaadku ka dalbaday Somaliland in laga siiyo Berbera.
Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha oo ay qaar ka tirsan Warbaahintu wax ka weydiiyeen isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxaa uu kaga jawaabay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-