Waxaa Uu Soo Kormeeray Dugsiga Sare Ee Suld. Maxamed Suld. Faarax Iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sh. Bashiir
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Fara-toon iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tegey xarumo ay ka mid yihiin dugsiga sare ee suldaan maxamed suldaan faarax, Kuliyadda Tababarka macalimiinta qaranka iyo dugsiga hoose ee sheekh bashiir Hargaysa. Wasiirka waxa ku wehelinayey kormeerkan, wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane oo isagu uga xog-waramayey goobahan kala duwan ee ay soo kormeereen si uu wasiirka cusubi wax uga ogaado hawlaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka qabatay iyo heerka ay marayaan, wasiir kuxigeenka Waxbarashadda mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh. Muxumed Warsame, Gudoomiyayaasha waxbarashadda ee gobolka maroodi jeex, agaasinka machadka tababarka Macallimiinta, agaasimaha tayadda ee wasaaradda waxbarashadda, agaasimaha hantida ma guurtadda ah ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska iyo gudoomiyaha waxbarashadda ee gobolka gebilay.
Wasiirka iyo weftigiisa waxa dugsiga sare ee suldaan maxamed suldaan faarax ku soo dhaweeyey Suldaan Cumar Suldaan Faarax, Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan, macallimiinta iyo Ardaydda dugsigaasi, kuwaasi oo ku dhawaaqayey ereyo ay ku cabirayaan sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda wasiirka iyo weftigan uu hogaaminayo. masuuliyiintu waxay halkaasi kula hadleen ardaydda dugsiga suldaan maxamed iyo maamulkooda waxana ka mid ahaa xubnaha munaasibadaasi ka hadlay; wasiirka wasaaradda waxbarashadda, wasiirkii hore ee wasaaraddaasi, suldaan cumar iyo af-hayeenka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane cabdilaahi oo isagu ah ninkii lahaa aas’aaska iyo yagleelka dugsigani oo haatan maraya marxalad aad u wanaagsan. Wasiirku intii uu ku sugnaa dugsiga suldaan maxamed waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo halkaa laga hirgaliyey.
Ugu horeyn waxa munaasibadaasi hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey af-hayeenka wasaaradda waxbarashadda mudane cabdilaahi Ibraahim X. Xasan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; Mudane Wasiir waxan ku faraxsanahay in aad maanta soo booqataan adiga iyo wasiirkii hore ee cabdilaahi Ibraahim Habane iyo weftigan balaadhan ee aad hogaaminaysaaba dugsigan suldaan maxamed suldaan faarax. mudane wasiir dugsiga waxa maamulkiisu si toos ah u hoos yimaadaa xarunta guud ee wasaaradda waxbarashadda, sababta oo ah waxa ku xeersan dugsiga duruufo u gaar ah. Waxa kale oo aan fursadan uga faa’iidaysanayaa in aan si kalgacal leh u sii sagootiyo wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda oo dhismaha dugsigan qayb-libaax ka soo qaatay, waxan leeyahay cabdilaahiyow illaahay ha kaa abaal mariyo wax qabadkii balaadhnaa ee aad dugsigan ka geysatay, bulshadda deegaankan ku dhaqanina weligood abaalkaa way kuu hayn doonaan. dhanka kale waxa uu af-hayeenku mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dugsiga ugu deeqay xilligii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye lacag dhan 60,000 kun oo doolar taasi oo lagu dhisay deyrka ku wareegsan dugsiga, waxaanu ku tilmaamay masuul u damqada dalkiisa iyo dadkiisa.
Mudane wasiir dugsigani baahiyo badan ayuu qabaa kuwaasi oo ay sababta ugu weyni tahay isaga oo ku yaala meel magaaladda aad uga fog taasi oo aan u kiraynay ardaydda basas soo qaada, siina rawixiya. Macallimiinta dugsigu maaha kuwa gunaysan oo wasaaraddu wax siiso, waxan ku wadnaa isku tashiga bulshadda dhexdeeda iyo kolba wixii illaahay na soo geliyo sidaa darteed waxan adigana kaaga marti nahay in aad sii dhammaystirto geedi-socodka dugsigani iyo baahiyihiisa, waanan ku rejo weynahay in aad dugsigan xil gaar ah iska saari doonto dugsigan.
Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay suldaan cumar suldaan maxamed Suldaan faarax, waxaanu masuuliyiintan uga mahadnaqay booqashaddan ay ku yimaadeen dugsigan, waxaanu suldaanku si gaar ah u sii sagootiyey wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda mudane cabdilaahi Ibraahim Habane waxaanu uga mahadnaqay dedaalkii iyo waxtarkii mudakarka ahaa ee uu ka geystay dugsigan. Suldaanku sidoo kale waxa uu wasiir fara-toon uga duceeyey in uu illahay u fududeeyo xillka balaadhan ee madaxweynuhu u soo magacaabay, waxaanu u rejeeyey in uu guulo badan ka soo hoyn doono dhanka waxbarashadda oo bulshaddu u ooman tahay.
Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane cabdilaahi ibraahim habane ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaanu wasiirka cusub u faa’faahiyey marxalladihii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigani iyo halka uu hadda marayo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; mudane wasiir waxa ii sharaf ah in aan maanta ku keeno dugsiga sare ee suldaan maxamed sulldaan faarax oo runtii aanu wasaarad ahaan marxalladdo badan la soo marnay. Dugsigu waxa uu maamul ahaan hoos yimaadaa wasaaradda maadaama oo uu ka fogyahay magaaladda waxan garwaaqsanay in aan si gaar ah uga warhayno, af-hayeenka ayaa had iyo jeer amuurihiisa aanu u xilsaarnay isaguna dedaal badan oo uu geliyey waxa uu ka soo saaray dugsigaa ka kooban sagaalka fasal iyo xafiisyadooda ah kaasi oo ay dhigtaan arday aad u tiro badan oo ay guraan baabuur ka soo qaada guryahooda.
Dhismaha dugsigan seddex fasal oo ka tirsan waxan ka dhisnay mashruuca horumarinta cilmiga wejigiisii kowaad kaasi oo ay Somaliland ku caawiyaan midawga yurub, waxaanay u soo mariyeen hay’adda NRC, laba fasalna waxa dhisay mulkiilaha shirkadda caanaha ee ANCHOR mudane Idiris, waxaanu mulkiilahani dhismaha ku ladhay dhamaan kuraastii iyo miisaskii fasaladaasi, fasaladda kalena waxan ka bixinay miisaaniyadda wasaaradda.
Intaa markii aanu qabanay ayaa haddana waxa nagu soo baxday in dugsigu yahay bilaa xayndaab, ka dib markii uu dugsiga booqasho ku yimi Madaxweynaha hadda Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xilligaa ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye isla markaana musharax u ahaa jagadda madaxweyne-nimo ayaa waxa uu ku duuqay lacagtii ku baxaysay dhismaha deyrka taasi oo lagu qadaray ($60,000) lixdan kun oo doolarka maraykanka ah, waa illaahay mahaddii maanta dugsigu meel wanaagsan buu marayaa wallow ay jiraan baahiyo kale oo uu qabaa. Ugu danbayntii waxay weftigu xadhiga ka jareen labaddii fasal ee uu hirgalinteeda lahaa mulkiilaha Shirkadda Caanaha ee Anchor mudane Idiris iyo deyrka ku wareegsan dugsigaasi oo uu maalka ku baxay ku deeqay madaxweyne muuse biixi wakhtigii uu ahaa murashaxa madaxweyne.
Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Fara-toon ayaa ugu danbayntii halkaa ka hadalay waxaanu suldaanka iyo guud ahaan ardayda dugsiga suldaan maxamed uga mahadnaqay sidii ay ugu soo dhaweeyeen dugsigan, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu ku bilaabay; aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin sida aad noogu soo dhaweyseen dugsiga suldaan maxamed suldaan faarax. Suldaan maxamed waxa uu ahaa halyey horseeday in dalkeenu helo xoog iyo ciidan daafaca, waayo waxa uu ahaa suldaankii ugu horeeyey ee tignikadii ugu balaadhnayd dalka ku soo wareejiyey sidaa awgeed waad asiibteen in aad ku maamuustaan magaciisa dugsigan.
Waxan sii wadi doonaa hawlaha horumarineed ee dugsigu u baahan yahay inta aan joogo, waxanan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa saaxiibkay cabdilaahi dheere oo runtii ahaa masuul wax badan soo qabtay. Saaka waxanu soo marnay dhawr meelood oo kala ahaa dhismaha machadka macalimiinta, dugsiga sheekh bashiir oo ay arday imtixaanaadkii ku guuldaraystay dib loogu tayeynayo, waxa iyana muhiim noqotay in oo uu cabdilaahi dheere igu dardaaray dugsigan si aan wax uga ogaado xaaladihiisa gaarka ah si mustaqbalka aan wax uga qabto, waxan dugsigan siin doonaa mudnaan gaar ah.