Wasiirka arrimaha gudaha & amniga ee Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir waxa muddadii koobnayd ee uu hayey xilka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland wax ka qabtay hawlihii ay wasaaraddu u qaabilsanayd qaranka isla markaana maamul daadejin iyo isku xidh ku sameeyey hawl-wadeennada wasaaradda iyo laamaha amniga. Sidoo kale waxaa uu xoojiyey shaqadii ay madaxda dhaqanku qaabilsanaayeen isaga oo isku xidh ku sameeyey nidaamkii ay cuqaasha iyo salaadiintu kaga qayb qaadanayeen adkaynta amniga. Wasiir Faratoon waxaa uu sidoo kale u tafo xaytay isla markaana soo afjaray shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay deegaannada bariga Somaliland gaar ahaanna kuwii shaydaanku ka dhex adeegay ee ay beellaha walaallaha ah ee deegaanka Ceel Afweyn ku dirireen, kuwaas oo haatan maraya meel aad u fiican.
Waxa kale oo uu wasiirku ku guulaystay in labadii beelood ee ku dagaalamay gobalka Sool oo dad badani ku dhinteen isku dhacaas uu gogol nabadeed u fidiyey labada beelood ee walaalaha ahaa oo uu heshiis wax ku oola dhex dhigay. Waxa kale oo uu wasiirku hadh iyo habeenba dhexda u xidhan yahay sidii ay nabad waarta loogu wada noolaan lahaa deegaanada soomaliland siiba gobalada bari. Intaas kaga muu hadhin dagaalkii nabadeed ee gobalada bari wuxuu hadana gacanta ku hayaa iska hor imaad ka dhacay degmada Adhi cadeeye.
Sidoo kale wasiirku wuxuu kamid ahaa dadkii fara kutiriska ahaa eek u dhawaaqay gooni isu taaga jamuuriyada somaliland. Wasiir Faratoon oo ahaa xildhibaan golaha wakiilada oo khibrad ku xeel dheer uleh arimaha dib u heshiisiinta iyo nabadaynta shaqaqooyinka.
Waxa kale oo uu xilal wasiirnimo ah ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland ilaa mantana waa wasiir ka tirsan xukuumada ka arimisa dalka. Ugu dembayntii waxaa la odhan karaa wasiir faratoon waa ruugcadaa siyaasiga oo Somaliland leedahay.
Allaa Mahad Leh
Ramadaan Kariim
W/Q: Yuusuf Cawad Shiine