“Anigu Sool iyo Sanaagba saaxiibo dheer baan ku leeyahay oo Waxaan Kula kaftamaa Mar Haddii Siyaasadda Lagu jiro Idinkaan IAnigu dinku Tiirsannahay [Waayo] Lagama Maarmo Isbahaysi Siyaasadeed” -Wasiiru-dawlaha Macdanta Iyo Tamarta Yuusuf Cismaan GAras
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirudawlaha cusub ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Aqoonyahan Yuusuf Cismaan Garas ayaa munaasibad afur iyo casho sharaf isugu jirta ku qaabilay Aadan Cali Ducaalle oo ah aqoonyahan qurbejoog ah oodhawaan dib ugu soo laabtay dalka. Casho sharaftan oo ka qabsoontay Hotelka Royal ee galbeedka magaallada hargeysa waxaa aqoonyahankan wehelinayay oo afurka ka qayb galay musharraxa hoggaaminta golaha wakiillada somaliland Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn xil. Saleebaan Koorre oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey sooyaalka aqoonyahankan uu wasiir Garas casuumada u sammeeyey, kaasi oo uu kutilmaamay in uu kamid ahaan jiray ragga ay iskaga soo horjeedi jireen siyaasadda qaddiyadda Somalilandjiritaankeeda la xidhiidha “Waxaan markhaati ka ahay in aadan Cali Ducaalle uu kamid yahay raggii Somaliland sida adag uga soo horjeedi jiray Somaliland ee aan sida nasashada lahayn mucaaridka noogu ahaa, waxaa uu ahaa raggii aanu tallaabada ka qaadi waynay, maanta waxaa sharaf ballaadhan no ah in ninkii awoodaasi lahaa uu dhankayaga maanta taagan yahay”. Sidaasi ayuuyidhi Xil. Koorre waxaana uu intaa ku daray in ay dadka deegaannada bariga Somalialnd ee uu xildhibaanka u yahay oo dabcan aqoonyahankan qurbejooga ahina kasoo jeedaa uu qorshahooda siyaasadeed yahay in markasta la arko Somaliland la wada leeyahay “waxaa annaga mabda’ayagu yahay in marka koowaad la wada helo Somaliland la wada leeyahay arrintaasna muddo badan baa la soo waday oo anigu waxaan garanayaa goob kasta oo la isugu yimaado iyo gole siyaasadeed oo kasta inay jirtay xilli aan anigu ugu yaraa ama qofka ugu yar aan ahaa, maantana waxaan imaadaa shirarka anigoo ah qofka ugu weyn”.ayuu hadalkiisa ku daray Xil. Saleebaan. Geesta kale Aadan Cali Ducaalle oo isagu ahaa masuulka afur wadareedka uu WasiirGaras u sameeyey ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey kaga hadlay dareenkiisa la xidhiidha madashan iyo mabda’a Somaliland “waxaan idiinka mahad naqayaa sida gobonimada ah ee aad ii maamuusteen ee aad iis harafteen, anigu saddex maalmood baan dalka ku sugnaa casuumadani waxay noqonaysaa markii labaad ee la I casuumo oo markii aan madaarka kasoo dagayna waaad I sharafteen”. Sidaas ayuu yidhi Mr. Ducaale. Gebogabadii Wasiiru dawlaha macdanta iyo tamarta YuusufCismaan Garas oo isagu soo qabanqaabiyey isla markaana agaasinka xafladan lahaa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in caqliga wanaagsani uu inna farayo in la is maamuuso isla markaana la xurmeeyo cid kasta oodalka wax ku soo kordhin karta “Gobolka Sool iyo Sanaagba saaxiibo dheer baan ku leeyahay oo weliba waan kula kaftamaa oo waxaan idhaahdaa mar haddii siyaasadda lagu jiro lagama maarmo isbahaysi [Allaince], aniguna idinkaan idinku tiirsannahay, markaa aniga oo metelaya koox dhalinyar ah oo musharraxa aad ula shaqeeya oo la yidhaahdo KULMIYE Guul Alla waxaa aad iyo aad sharaf iigu ah inaan casuumo Aadan Cali Ducaalle oo anigu aan hore uga aqaannay uun Saxaafadda, casuumaddana runtii waxaa igu dhaliyey maalintii dhawayd markuu madaarka kasoo degey”. Ayuu yidhi Wasiiru dawlaha macdanta iyo tamartu Yuusuf Cismaan GAras.