Addis-ababa (Hubaal)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo Magaalada Addis-ababa kaga qayb-galay shir Caalamiya oo ku saabsan horumarinta aqoonta Afrika, kulan gaar ah isla Magaaladaas kula yeeshay Ardayda reer Somaliland ee Wax ka barta Jaamacaddaha dalka Itoobiya. kulankaasoo ay qaban-qaabisay Safaaradda Somaliland ku leedahay Itoobiya, ayaa waxa ardaydu xog-waran ku siiyeen Wasiirka, iyagoo dhanka kalena su’aallo tiro badan ka waydiiyey xaalada dalka iyo qorsheyaasha cusub ee wasaaradda waxbarashada.
Kullankan oo saacado qaatay waxa furay safiir ku-xigeenka safaaradda somaliland ee ethiopia Amb Ayaanle Salad,kaasoo warbixin dheer ka bixiyay howlaha ay safaarad ahaan u qabtaan bulshada Somaliland ee halkaa ku dhaqan. Safiirka ayaa si gaar ah uga waramay guddida ardayda iyo baahiyaha gaarka ah ee ardaydu qabto iyo guud ahaanba shacabka reer somaliland ee ethiopia ku nool.
Sida oo kale, waxa uu ku dheeraaday faa’idada ay leedahay iska warhaynta iyo isku xidhnaanta madaxda iyo ardaydu iyo inay waliba tahay habka ugu haboon ee madaxda barri oo ah ardayda khibrad wadaag madaxdoodu ula yeelan lahayd.”
Dhanka kale, waxa kullankan ka hadlay guddoomiyaha guud ee ardayda somaliland Maxamed Cabdilaahi Biixi( Drkingbiihi Yare)oo isugana sharaxay marxaladihii kala duwanaa ee uu ururku soo maray, qaabka uu ku aasaasmay , waxqabadkoodii muddoda 6 bilood ahayd ee uu jiray, baahiyaha ay ardaydu qabto ee kala duwan, hadday tahay dhinaca aqoonta, aqoonsiga, taakulaynta, tayaynta, baahiyaha dalkii yaal iyo waxa uu qorshohoodu yahay waqti xaadirkan.
waxa isaguna munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha qaban qaabada xafladda qalin-jabinta Mubaarig Yusuf oo uga waramay Wasiirka baahidda waqtigan taagan ee qallin-jabinta iyo waxyaabaha ay uga baahanyihiin dawladdooda.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas, oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horayn hambalyo u diray Ardayda Itoobiya waxbarashada u jooga, isagoo aad ugu amaanay abaabulka iyo isku-xidhnaanta ay muujiyeen oo uu ku booriyey inay halkaa ka sii wadaan, wasaarad ahaana ay si ka duwan sidii hore ula shaqayn doonaan.
Wasiir Garas ayaa aad ugu dheeraaday waxqabaddo hor leh oo dhamaanba ardaydii meesha joogtay u riyaaqday. Sida oo kale waxa uu wasiirku ardayda la wadaagay khibradiisa gaar ahaaneed ee kasoo bilaabmaysay tanniyo markii ugu horaysay ee uu shaqo dawladeed qabto. Ardayda ayaa badankoodu shucuurtoodu isbadashay oo dhamaantood aad wajiyadooda iyo sheekadooda ka dheehan karaysay sida uu tusaale ugu noqday Wasiir Garas oo kale. Xagga wax barashada markuu ka hadlayey waxa uu awooda saaray waxbarashada dugisyada hoose ilaa sarre, nidaamyadda ay hadda u dajiyeen ee tayaynta, kor u qaadida iyo waliba dayactirka goobaha waxbarashada.
Sidoo kale waxa uu Ardayda uga warbixiyey howlaha ay iminka Wasaaraddiisu waddo oo ay kamid yihiin; dib u habaynya dugsiyadda gacanta, simidda tayada waxbarasho ee dawliga ah iyo ta gaarka ah, dib u eegidda siyaasadda waxbarashada ee qaranka, soo kordhinta manhajka waddaniyadda (civic education), dib u habaynta manhajka waxbarasho oo uu sheegay in laga dhigayo mid ka turjuma baahida dalk qabno iyo ardayga la soo saarayaa nooca uu noqonayo, sii adkaynta iyo soo noolaynta xidhiidhka wasaaradaha waxbarasho ee itoobiya iyo somaliland ka dhaxeeya, dib u eegidda guddida tacliinta sarre, tayaynta mushaharooyinka macalimiinta, meelaynta diraysyada dugsiyad waxbarashada kala duwan dawli iyo mid gaar loo leeyahayba, dib u eegidda iyo tayaynta jaamacadaha.
Waxa Ardayda aad u farxad galisay markuu ka dhawaajiyey in arday jaamacaddaha ku dhigan jirtay bilaa shaahado dugisiga sarre ah ay ka joojiyeen waxbarashadii jaamacaddeed, talaabana laga qaaday Jaamacaddaha ay waxbarashada kaga jireen.
“Warbixinta wasiirka oo aad u dheerayd ayaa waxa ka dhex iftiimaysay daacadnimo iyo yididiilo hor leh oo niyadsami iyo naruuro u ahayd qof kasta oo madasha ku sugnaa. “ sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka Ardayda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Biixi oo kulanka dhamaadkiisii kelmed mahad naq ah u jeediyey wasiirka.
Ugu dambeyn waxa ay ardaydu waydiiyeen Wasiirka Su’aallo tiro badan oo dhamaantood ku tacaluqa arrimaha waxbarashada iyo siyaasada, kuwasoo uu wasiirkuna uga jawaabay.