Wasiir Garas Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyey Magacaabista Degmada Dacarta

0
113

Wasiirku Waxa Kale Oo Uu Bulshada Gobolka Maroodi-Jeex Ugu Baaqay Inay Qaataan Kaadhka Cod-Bixinta

garas

Hargeysa(Hubaal)- Wasiir u Dawlaha Macdanta iyo Tamarta Somaliland Yuusuf Cismaan Garas, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku hambalyeeyey, ugana mahad-celiyey magacaabista Degmada cusub ee Dacarta oo uu Madaxweynuhu maanta Digreeto ku soo saaray inay noqoto degmo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex.

Md. Yuusuf Cismaan Garas oo Hubaal u waramay, ayaa sheegay in Degmada Dacartu ay tahay deegaan Qadiimi ah, isla markaana ay kamid tahay meelihii Halgankii dib u xoreynta dalka halbowlaha u ahaa, waxaanu intaa ku daray inay noqon doonto degmo ka qayb-qaadata horumarka Gobolka Maroodi-jeex.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waan ku hambalyeynayaa magacaabista degmada Dacarta. Runtii madaxweynuhu wuxuu xaqiijiyey in deegaankaasi uu yahay deegaan degmo u qalma, waannan uga mahad-celinayaa.”ayuu yidhi Garas, waxaanu intaasi ku daray “degmada Dacartu waxay kamid tahay meelaha ku suntan halgankii dalka lagu xoreeyey ee SNM, waana deegaan wax-soo-saar leh oo muhiim u noqon doona dhaqaalaha dalka iyo horumarka Gobolka Maroodi-jeex” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyn, waxa uu Wasiirku ku booriyey Bulshada ku dhaqan Degmada Dacarta inay ka shaqeeyaan horumarinta Degmada, isagoo dhinaca kalena shacbiga Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay qaataan Kaadhka codbixinta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here