DAAWO SAWIRRADA: Jewiga Afur wadaradeed Sanadle Ah Oo ay isugu yimadeen Aqoonyahannada reer Somalialnd ee Wax ku soo bartay Wadanka Hindiya
Hargaysa (Hubaal) – Wasiiru-dawlaha wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland Aqoonyahan Yusuf Cismaan Garas ayaa kulan afur wadareed ah isugu keenay aqoonyahannada reer Somaliland ee wax ku soo bartay wadanka Hindiya kuwaas oo sanadkiiba hal mar kulankan oo kale yeesha isla markaana iskaga xog waraysta xaalladaha dhaqan-dhaqaalle iyo midda bulsho ee dalku marayo iyo weliba kaalinta ay jaaliyad ahaan ka qaadan karaan geedi socodka horumar iyo siyaasadeed ee Somaliland.
Kulankan afurka ah ee wasiir Garas ku qaabilay ardayda reer Somaliland ee kasoo baxay waxna ku soo bartay jaamacadaha dalka Hindiya oo galabta ka qabsoomay hotelka Maansoor ee magaallada Hargeysa waxaa kasoo qayb galay Wasiirr, xildhibaano iyo madaxda jaamacadaha Somaliland.
Xil. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre oo kamid ahaa marti sharaftii halkaasi ka hadashay ayaa si kooban uga mahadnaqay agaasinka madashan oo uu ku tilmaamay mid ku cusub golayaasha ay bulshadu ku kulankto “waa madal ku cusub hab dhaqanka bulshadeena maadaama qalinku kulmiyay aqoonyahanka tiradaa leeg waana wax lagu farxo” ayuu yidhi Xil. Koorre. Sidoo kale Xil. Cabdiqaadir Indho indho oo isna halkaasi kahadlay ayaa si kooban u yidhi ” hindiya waa dad aqoontoodu dhisan tahay noloshoodana ku maareeya idinkana sidaasoo kale ayaa la iidinka fadhiyaa”
Aqoonyahan Abdiqadir xasan mataan oo afka aqoonyahanka ku hadlayay ayaa wuxuu isna yidhi ” dhalinyartani waxay u hanwayn yihiin sidii dalka isbadal uga dhici lahaa waxay aqoontooda iyo maalkoodaba diyaar ula yihiin in ay nolosha dadkooda kaga qayb qaataan korna u qaadaan hayadaha dawliga ah oo aqoonta iyo fikradoodaba ugu biirin lahaayeen”
Mukhtaar cumar giriig iyo yuusuf warmahaye oo afka qurba jooga ku hadlayay ayaa hadalo dhiirigalin ah halkaa ka jeediyay.
Wasiir Yuusuf osman garas oo isagu madasha sooo qabanqaabiyay ayaa khudbad dheer oo uuhalkaa ka jeediyey waxaa uu kaga hadlay awooda aqoonneed ee jaalliyada ardayda Somaliland ee wax kasoo baratay dalka Hindiya u leeyihiin inay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka, isaga oo hadalka ku dheeraaday ayaa wuxuu yidhi ”waa hubaal in awoodani tahay kayd qarankani leeyahay waxaana si dhakhso ah usoo gudbin doona cilmi baadhisyo balaadhan oo wacyiga nolosha dadkeena iyo horumarkaba, waxaanu wasaarada waxbarashada ku wargalinayaa in ay ka faaiidaysato aqoonyahanka oo badidoodu jaamacadaha dalka aasaasayaal ka ah macalimiin”
Waxaa xafladan qiimaha leh soo xidhay Wasiirka waxbarashada somaliland Cabdillaahi Ibraahim habane wuxuuna yidhi ” waa wax lagu farxo waan ku diirsaday awoodan aqoontu kulmisay waa ehliyad cusub oo u baahan in la xoojiyo,waxan diyaar u ahay in aad igala qayb qaadataan kor uqaadida waxbarashada dalka xafiiskaygu wuu idiin furan yahay wadankana idinka uunbaa badali kara siyaasada waa lagu kala duwan yahay laakiin qarankan ayaynu wada leenahay aynu ukacno”
Gabagabadii kulankii si quruxbadan ayuu kusoo xidhmay iftiin ayaa ka baxayay kulankaa miidii iyo haldoorkii ayaa ku kulmay.