Wasiir Geedoole Oo Jawaab Ka Bixiyay Dacaayado Xisbiga WADDANI Ku Furay Socdaalkii Madaxweynaha Ee Boorama

0
28

Burco(Hubaal)Wasiirka Beeraha Ee Somaliland Prof Farax Elmi Geedoole ayaa si kulul uga jawaabay Hadalo kasoo yeedhay Masuuliyiin ka tirsan Xisbi mucaaridka WADDANI.

Prof geedoole waxa uu gaashanka udaruuray dhawaaq Xisbigaasi ku naqdiyay Socdaalkii ukuurgelida xaalada dalka iyo deegaanka ahaa Ee Madaxweyne SIILAANYO Ku marayay deeganada gobolada dalka siibi kii uu ku tegey gobolka Awdal .

Waxana uu hadaaq iyo hadal meel wayay wasiirku ku tilmaamay kelmadihii ay masuuliyiintasi ku dureen safarkii madaxweynaha ee Borama oo ay ku shegeen inaan weftiga madaxweynuhu ku hakan halkaasi.

 Gedole

”Madaxweynuhu markuu soo marayay Dilla Ururka WADDANI ayaa waxa uu ku hadaaqayay muu seexan boorama waxan leeyahay Madaxweynuhu inbadan buu Boorama siyaartay inkabadan gobolada kale ayuu Tegey Reer Booramana abaal weyn bay uhayaan markaa ninka cidlada ka hadlayoow madaxwaynuhu barnaamij buu ku socda hadda oo 10kii habeenimo tahay safarbuu ku jiraa markaa qorsha udejisan madaxweynaha maaha mid la leeyahay halka Ha seexdo oo wax laga bedelayo markaa ururada mucaaridku yaanay ku xoqanin waxaan macno samaynaynin.” ayuu yiri Prof Geedole oo ka hadlayay munaasibad Soo dhoweyn ah oo deegaanka Dheeryeyle loogu qabtay Wefti uu horkacayo Madaxweyne SIILAANYO

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here