Wasiirka cusub ee Qorsheynta Oo ka afeeftay riyo ka dardaar-werinaysa Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Iyo Culayskeeda Oo Kurbo Ku Haysa Musharraxiinta Saddexda Xisbi Oo Ku Loollamaya
“ Xalay Baan Ku Riyooday Saddexda Guddoomiye Oo Lagu Yidhi Doorasahda Go’aan Ka Gaadha, Kadib Duhur Baa Loo Eedaamay, Oo Feysal Baa Tukiyey Oo Istawo Yidhi……….”
+++++
“Cirro Ayaa Iyadoo Salaada Lagu Jiro Yidhi ‘Dee Qoladii Donors-Kii Ayaa Albaabka Garaacaya!, Muuse, Ayaa Soo Booday Oo Yidhi ‘Waar Lama Hadlo Inta Salaadda Lagu Jiro!, Faysal Cali Waraabe Ayaa……..”
Hargeysa (Hubaal) “Waxaan jecellahay inaan kelmad kaftan ah ka idhaahdo xaallada siyaasadda iyo doorashooyinka inna sugaya, horta Qolooyinkii [Musharraxiinta Axsaabta] tartamayay immika [shalay] saaxiibkay Feysal Cali Waraabe uun baa ka fadhiya oo Muuse Biix Waa Innaga Maqan yahay, Cabdiraxmaan Cirrona inalama joogo’e,” Sidaas waxaa yidhi wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha caallamigu Md. Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) oo kaftan duur-xul iyo maad isku lifaaqan ku cabiray dareenkiisa la xidhiidha qabyada suurtogalnimada in muddo kordhin kale loo sameeyo xukuumadda isla markaana dib loo riixo waqtiga ay doorashada madaxtooyadu u qorsheysan tahay in lagu qabto oo ah horraanta sannadkan innagu soo fool leh ee 2017-ka. Waxaana Mr. Qabo uu kaftankiisan oo dabcan xujeeyey musharraxiinta saddexda xisbi ee UCID uu ku soo bandhigay hal-xidhaalle ay furfuristiisu natiijooyin kala duwan dhalisay. Wasiir Maxamed Ibraahin Aadan oo maalintii shalay xaflad laysku arkay oo wejiyo kala duwan kulmisay kula wareegay xilkii wasaaradda Qorsheynta qaranka oo dhawaan madaxweynuhu u soo magacaabay ayaa khudbadiisa oo mahad naq iyo ballanqaad u badnayd waxaa uu qaybo kamid ah kaga hadlay riyo uu ka afeeftay ka sheekaynteeda oo uu ku saabsan duruufaha ku gedaaman qabsoomida doorashada madaxtooyada oo ka dardaar-werinteedu kurbo ku noqoto saddexda musharrax isla markaana ay xallintoodu ku adag tahay, “ Waxaa ay jecelyihiin in bahasha [doorashada] iyaga loo soo hormariyo oo kursiga ayaa u muuqda laakiin in kolba dib loo dhigo ma jecla, qolooyinkii caalamka ee qaadhaabixiyeyaashuna waxaa ay leeyihiiin xilligeeda yaanay doorashadu dhaafin. Markaa xalay baan riyooday maadaama oo immika wasaaraddii qorsheynta aan joogo culays baa la isa soo saaray ah in doorashadii la qabto. Qoladii guddida doorashooyinkuna way isu yimaadeen oo saddexdii guddoomiye xisbi baa la yidhi waar bal idinku isu yimaada oo go’aan gaadha. Hadda waa manaam waxan aan idiin sheegayaa!!!!, dabadeed Feysal iyo Muuse Iyo Cabdiraxmaan baa meel la isugu xareeyey oo waxaa lagu yidhi ma dib baa doorashada loo dhigaa mise doorashadii baynu qabanaa?. Dabadeed qol bay isla galeen oo cabaar bay ku jireen, waa la raagsaday oo salaadii duhur baa lagu eedaamay. Markii dembe ayay yidhaahdeen waar heedhaha intaynaan jawaab bixin horta inna tukiya, Feysal baa dabadeed [Imaam noqday oo] Istawo”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir Qabo, oo sheekadiisu xiiso gaar ah ku abuurtay intii dhegeysanaysay, oo markuu halkaa marinayo sacab iyo jiib isku daray, iyagoo sugi kari la’ biyo dhaca riyadiisa iyo halka ay saldhiganayso. Mr. Qabo wuu sii waday sheekada oo waxaa uu yidhi “ MArkii Faysal Istoow yidhi ee salaadii la xidhay ayaa qoladii guddida doorashada iyo qaadhaan bixiyeyaashii oo debeda qolka ay ku jiraan ku sugayay natiijada go’aankoodu yaabay oo yidhi waar waatanoo sanqadh ma laha ee malaha saddexdii nin way isku bilaabeen, kadib albaabkii oo hoosta uga xidhan saddexdooda ayaa qoladii ay ku garaaceen. Cabdiraxmaan Cirro ayaa dabadeed garaaca albaabka u adkaysan waayay saa iyadoo salaadii lagu jiro uu yidhi ‘waaryaadhaheen dee qoladii Donors-kii ayaa albaabka garaacaya!!, Muuse Biixi baa isaguna soo booday oo yidhi waar dee garaac lahaane lama hadlo inta salaada lagu jiro!!!, Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna yidhi ‘Labadiinuba salaada isaga baxa wey idinka jabtay, waayo inta salaada dhexdeeda laguma hadlo’!!!” ayuu yidhi Wasiirka qorsheyntu isaga oo ku sheekada ku soo xidhay culayska iyo dhibka ay leedahay xummada doorashadu “Markaa bahashu wey hawlo badan tahay oo waxaas oo dhan baa innagu soo fool leh laakiin guntiga ayaynu dhiisha iskaga dhigaynaa insha allah”. Sheekadan Wasiirka cusub ee qorsheynta oo ka turjuntay dareenka iyo kurbada ay doorashadu ku beertay hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa dadkii dhegeysanayay ay siyaabo kala duwan u fasirteen dulucdeeda iyo hogatusaallaha ay xambaarsan tahay, darbaa hummaaga ay bixinayso ku macneeyey in ay tahay farriin ceelalyo u ah muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kuwo kale ayaa ku tilmaamay in ay kaftan caadi ah oo aan turxaan wadan ay tahay, halka qaar kalena aanay natiijadeeda shidaysan.