Reysal-Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Geerida Burci Maxamed Xamse Oo Ahaa WAsiiru-dawlaha Arrimaha Bii’ada U Qaabilsan Xafiiskiisa
Muqdisho (Hubaal) – Burci Maxamed Xamse, oo ahaa wasiiru-dowlaha arrimaha deegaanka ee xafiiska RW Somalia ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday dorraad hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho. Burci Maxamed XamzaBurci oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa maydkiisa laga soo saaray burburkii hotel Naasa Hablood. Tirada dadkii dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa gaadhay 20 qof. Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay iyagu ka danbeeyeen. Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu laayay qaraxii ka dhacay Muqdisho, isagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay badhtamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid bani’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Naasa-Hablood uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diyaar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.
“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha.