Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Somaliland Oo Xalay Fiidkii Geeriyooday Magaallada Hargeysa

0
59

Fanaankii SHAY Mire Dacar Oo Isna Shalay  Geeriyooday Iyo Waraysi Uu Bixiyey Intaanu Allaysan Oo Uu Kaga Warramay Sidii Ay Naanaystiisu Ku Baxday

Hargeysa (Hubaal) – Alla Ha u Naxariistee Waxaa Fiidkii Xalay Magaallada Hargeysa Ku Geeriyooday Alla Ha u Naxariistee   Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Gar-soorka ee Somaliland Cismaan Axmed Jaamac oo xanuun ku soo booday kadib  ku  geeriyooday cusbitaalka guud. Sidoo kale waxaa isna galabnimadii shalay ku geeriyooday magaallada Hargeysa Fanaankii caanka ahaa ee Cabdillaahi Mire Dacar oo loo yaqaanay SHAY.

Geerida Wasiir ku xigeenka13734717_1126520397394059_238518508_n

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha ayaa dhambaal tacsi u diray Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Jaamac, oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Gar-soorka ee Somaliland. Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo u qornaa sidan:-“Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland. Gaar ahaan golaha wasiirada Somaliland ee uu ka tirsanaa, ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Jaamac oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland oo xanuun ku soo booddo ah caawa ugu geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha qaranka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lgu yidhi war saxaafadeedka. Qaar kamid ah ehellada marxuumka  oo wargeyska HUBAAL Xalay Khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in marxuumku toddobaadkii u dembeeyey xaallada caafimaad u jiifay cusbitaalka Hargeysa kadib markii uu dhawaan ku dhuftay xanuunka loo yaqaanno Faalligu, kaasi oo uu cawayskii xalay u god galay.

Geerida Fanaanka Shay Mire DacarSHAY-MIRE-DACAR-1

ALLAAH Ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar, ayaa galabnimadii shalay  ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu degganaa, isagoo Fannaanka ay walaalaha yihiin ee Caabbi Mire Dacar sheegay inuu muddooyinkii dambe xanuunsanayey.

Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar warbaahinta u  xaqiijiyay walaakii  Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah. Wuxuu sheegay in muddaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla. Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso. Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.

Taariikh Kooban Oo ku saabsan meertadii nolosha Marxuum SHAY

Alla ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Mire Dacar (SHAY) ayaa intii uu noollaa mar uu waraysi siiyey weriye Abiib Iimaan Xasan oo ka tirsan Warfaafinta Qaranka waxaa uu ka sheekeeyey taariikh nololleedkiisa, halkii uu ku barbaaray, sallaankii uu ka soo koray fanka iyo weliba goobtii iyo goortii uu u baxay magaca uu ku caanno maalay ee SHAY. Waraysigan ayaa mar uu weriyuhu su’aal ka weydiiyey marxuum Shay halka uu ku dhashay iyo barbaarintiisii waxaa uu ku jawaabay alla ha u naxariistee marxuumku “

“Anigu Waxaan ku dhashay magaallada Ceerigaabo, sanadkii 1969kii,  waxaanan ku soo barbaaray isla Ceerigaabo. Waxaanan fanka ku bilaabay Ceerigaabo manaan soo gaadhin markuu fanku lahaa basaska ee uu lahaa tiyaatarada ee uu maamulka lahaa, ee annagu dee burburkii uun baanu la kowsanay,   gaar ahaan   1992-1993kii.  Nin la yidhaahdo Cabdilaahi yare oo Ceerigaabo ka ahaa dambi baadhe (askari) ayaa kamanka tumi jiray iyo nin la odhan jiray jaamac siciid adigu labada nin ayaa fanaaniin u ahaa wax tumi kara aroosyadana way ka heesi jireen waanay u tumi jireen dhalin yarada marka soo baxda ee heesaysa intaa ka bacdi Kaman baan iibsaday islaanta hooyaday ah baa kamanka lacagtiisa ka soo qaaday inkastooy ka qoomamayso oo ay tidhaahdo haadan barigii anaan lacagta kamanka ku  siin fanaan maad noqoteen  heestii ugu horaysay een qaado-na waxay ahayd “Adduunyadu Wareeriyo Werwer Iyo Dhibaatiyo Alla Waayo Badanayeey”. Sidaa ayuu yidhi Marxuumku.Mar La Su’aalay Sida ay ku baxday naanaystiisa Caan baxday ee SHAY, waxaa uu yidhi “ Shay waxaa ii bixiyey macalinkii galaaskayga mar aanu  sanadkii labaad   la ciyaarnay galas kale oo ahaa  2B, anaguna waxaanu ahayn 2A, kadib ciyaartii ayaan laba gool ka dhaliyey, markaasu macalinku igu yidhi wallaahi adigu Shay baad tahay… halkaasu iga raacay magacu”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here