Wasiir Koore Farriin Digniin Ah U Diray Maamulka Puntland Oo Uu Sheegay Inay Colaad Ka Wado Deegaanka Boocame

0
12

Tukaraq (Hubaal) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, Saleebaan yuusuf cali Koore oo ku sugan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa digniin u diray maleeshiyaad uu sheegay inay kasoo jeedaan maamulka Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay dhaqdhaqaaq ka wadaan deeganka Boocame oo dadka degani ka tirsan yihiin jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin bulshada deegaanka Boocame, isla markaana waxa uu fariin u diray maamulka Puntland inay joojiyaan deegaamaynta ay ka wadaan halkaas. “Deegaanka Boocame agagaaradiisa oo ay qaylo dhaan xoog lehi ka jirto ama waayadan ay ka socotay dagaalo soo noqnoqonaya, xukuumadda Somaliland ee aan afhayeenka ahay nabad bay ku baaqaysaa cid walba in nabad laguwada noolaado, diyaar uma nihin inaanu cunfi iyo colaad kula noolaano dadka derisyada. Waxa muuqata in nabadgelyo la wado dabada laga soo riixayo oo ay ka imanayso deegaamada aagga Garoowe oo ciidamo la hubaynayo oo lagu soo humayo deegaanka magaalada Boocame, meel la yidhaahdo Galalab ilaa saddex meelood ayaa laga dejiyay ciidamo dhib doon ah. Dadka deegaanka jooga iyo dawladuba si dhaw ayay ula socdaan arrintaas. Maanta dagaal ku baaqi mayno laakiin dadka deegaamadaa degani waa dad reer Somaliland ah, qaranka xaq bay ugu leeyihiin marka ay timaado in naftiisa qofka lagu soo weeraro qaranku inuu difaaco. Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, Saleebaan yuusuf cali Koore oo ku sugan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here