Hargeysa (Hubaal) – Waftigii Murrashaxa Golaha Wakiilada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa loogu soo dhaweeyay deegaanka Tukaraq ee Bariga Gobolka Sool.
Sida uu ku soo waramaayo weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ee magaalada Laascaanood Liibaan Qaran, soo dhawaynta masuuliyiintaas waxa hadal ka jeediyay qaar ka mida maamulka iyo odayaasha degaanka Tukaraq, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin taageerada murashixiinta goleyaasha wakiillada iyo degaanada ee ka sharaxan guud ahaan gobolka Sool, waxaanay intaas ku dareen in degaanka Tukaraq ay jiraan mashaariic dhanka horumarka ah oo xukuumadda Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ay ka hirgalisay, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhinacyo kale oo ka mida kaabeyaasha arrimaha bulshada.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo halkaas hadalka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd wax ka qabashada baahiyaha bulsho ee ka jira degaanka Tukaraq, waxaanuu wasiir Saleebaan Koore intaas ku daray in Tukaraq isbadal dhanka horumarka ahi uu ka hirgalay.
Ugu dambayn musharaxa golaha wakiillada ee gobolka Sool Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa dadka ku noo degaanka Tukaraq uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen, waxaanuu musharax Faratoon xusay inuu diyaar u yahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira degaankaas isla markaana masuuliyiinta ay qusayso.