Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Ashqar ayaa tababar cilmi daaqsimeed u soo xidhay qeybtii labaad ee beeralayda Aburiin. wasiirka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay wax beerashadu.
Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Noloshu waxa ay ka soo abuurantaa waa baadiyaha baadiyahana waxyaabaha lagaga shaqeeyo waxa ka mid ah beeraha, dunidana horumarka la gaadhay waxa weeyaan gacanta ayaa shaqaysa oo dhinaca xirfada ayaa loo kacay haddii ay noqoto beero, caafimaad iyo waxyaabaha kale ee la midka ah.”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Aadan Ibraahim Ashqar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Siyaasadda dawladdu waxa weeyi in la helo cuno dadka ku filan, bani aadamkuna noloshiisu waxa ay ku xidhan tahay cuno, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa beeralaydii halkan wax ku baranaysay iyo cid kasta oo ku lug lahayd”.
La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay dugsi goobeedku iyo taariikhda uu Somaliland ka bilaabmay, isaga oo sheegay in muhiimada ay leedahay ay ka mid tahay in beeralay kasta uu cilmigu gaadhayo.
Guddoomiyaha Tuulada Aburiin Maxamed Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadnaqay wasaaradda Beeraha sida ay masuuliyadda iskaga saartay inay beeralayda tababar ugu fidiso xarunta cilmi baadhista iyo tababarada ee Aburiin, waxaanu sheegay in xaruntani Somaliland oo dhan ka dhaxayso.
Mid ka mid ah Ardeyda meesha wax ku baranaysay oo lagu magacaabo C/raxmaan ayaa wasaaradda Beeraha uga mahadnaqay cilmi daadajinta ay u samaysay, isaga oo ka sheekeeyey cilmiga ay barteen iyo sida uu u anfaci doono.
Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah macalimiintii beeralayda wax baraysay ayaa sheegay inay beeralayda ku dhiirigalinayeen inay wax la soo baxaan si aynu dal ahaan baahida dhinaca cuntada uga baxno.
Halkaasi ayaa waxa sidoo kale lagu soo bandhigay majaajilo ka hadlaysay muhiimada uu cilmigan beeralayda la barayaa leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in lagu baraarugsanaado oo ay dadweynaha beeralayda ah looga dhaadhiciyo.
Beeralaydii xaruntan loo keenay ayaa waxa la guddoonsiiyey shahaadooyin ka turjumaya aqoontii ay barteen iyo buugaag ay ka tixraaci doonaa aqoonta beeraha.
Beeralaydan oo ahayd 34 qof ayaa waxa ay ka kala socdeen tuulooyin kala duwan oo dalka ka tirsan iyaga oo ahaa qaybtii labaad ee beeralayda lagu tababaro xarunta Cilmi baadhista iyo tababarada ee Aburiin