Wasiir Ku-Xigeenka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Oo Ka Tacsiyeeyay Ehelada Iyo Shacabka Somaliland Wiilkii Shalay Ku Geeriyooday Rabshadii Ciyaarta

0
33

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka ku-xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa bulshada reer Somaliland ka tacsiyeeyay wiilkii Shalay ku dhintay mashaqadii ka dhacday garoonka kubada cagta ee Xaaji Daahir ee magaaladda Boorama, halkaas oo ciyaar ku dhexmarayay xulalka gobolada Awdal Maroodi-jeex ay ka dhesheen rabshado. Wasiir Yuusuf Cismaan Garas waxa uu si gaar ah Tacsidan ugu diray shacabka gobolka Awdal, gaar ahaana ehelada uu ka geeriyooday marxuumkaasi oo lagu magacaabi jiray marxuum Xamse Maxamuud Aaye, Alle ha u naxariistee.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas

Md. Yuusuf Cismaan Garas waxa  uu shacbiga reer Boorame ku bogaadiyay sida ay ula shaqeynayaan ciidammadda ammaanka, waxaanu ku booriyay inay kaalin ka qaataan sidii gacan adag loogaga hor tagi lahaa cid kasta oo nabad-gelyadda iyo dawladnimadda Somaliland wax u dhimaysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here