Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Oo Soo Gabagabeeyay Tartankii Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan Ka Socday Garoonka Xawaadle

0
22

Hargeysa (Hubaal) Tartankii kubada cagta ee bisha ramadaan ka socday garoonka Xawaadle ee magaaladda Hargeysa ayaa shalay la soo gabagabeeyay, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socotay xukuumadda Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Mud. Yuusuf Cismaan Garas, wasiirka madaxtooyada Xisri Cali xaaji xasan, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo tiknoolajiyada Cali xaamud Jibriil, agaasimaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa ka warbixiyey tallaabada horumarineed ee wasaaradda ciyaaruhu ku tallaabsatay iyo hawlaha ay damacsan yihiin inay hirgeliyaan “waxaanu dhawaan furnay oo aanu ku guulaysanay inaanu dastuur u samayno amaba xeerkii aanu u samayno xidhiidhka kubada cagta somaliland, Waxaanay arrintaasi tahay inuu noqdo horena u ahaa xidhiidh madax bannaan oo horumarkii ka shaqeeyo kubada cagta, in badan baynu wax badan qabanay oonu ka shaqaynay arrimo badan oo xaga dhalinyarta horumarkeeda iyo xaga sports-kaba ah” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Somaliland.11751138_10153059561448177_498578353_n

Dhammaan masuuliyiintii ka soo qayb galay munaasibada xidhitaanka tartankii bisha ramadaan ee ka socday garoonka xaafada Xawaadle waxay si isku mid ah uga wada hadleen ahmiyada uu sports-ku u leeyahay dhalinyarada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here