Wasiir Ku-Xigenka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Furay Xarunta Ciyaaraha Ee Gabdhaha Ee SOCSA Oo Qaybo Cusub Iyo Dib U Habayn Lagu Sameeyay

0
32

Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas ayaa xadhiga ka jaray, isla markaasina furay xarunta ciyaaraha ee dumarka ee SOCSA oo dib u casriyeyn lagu sameeyay,taasi oo lagu soo kordhiyay qaybta jidh dhiska gabdhaha.

Wasiir Yuusuf Cismaan Garas ayaa kadib furitaankii xarunta waxa uu kelmado kooban ka jeediyay muhiimada ay xaruntani ku fadhido isla markaana u leedahay bahda jimicsiga iyo ciyaaraha gaar ahaan gabdhaha dhalinyarada Somaliland “ururka Basket-ka iyo dhaqanka qaybta dumarka ee SOCSA, runtii wasaarad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu inta awooda qaranku yahay ba in aanu ka qayb galno sidii ciyaaraha iyo dalxiiska iyo arrimaha dhalinyaradaba kor loogu qaadi lahaa.garas

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Yuusuf Cismaan Garas waxa uu sidoo kale sheegay in wasaaraddiisu ay u qorshaysan tahay qaybaha ciyaaraha ee dumarka oo uu sheegay in dhawaan ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu soo kordhin doonto xafiis cusub oo arrimaha dumarka ee dhanka ciyaaraha ah “Runtii wasaaraddani waxay mas’uul ka tahay horumarinta dhalinyarada Somaliland, waxa inta badana dhacdana dhalinyarada kuwa labka ah ama Raga, laakiin habluhu iyaga laftigoodu ayaa mudnaanta leh wasaaradduna way soo dhaweynaysaa, insha allah dhawaana waxaanu idiinku bushaaraynaynaa in aanu waaxaha wasaaradda ku soo dari doono waax ay masuul ka tahay gabadh amaba arrimaha dumarka ee qaybta isboortiska” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo manta (Shalay) xadhiga ka jaray xarunta xarunta ciyaaraha dumarka ee Socsa oo dib u habayn balaadhan lagu sameeyay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here