Wasiir Maxamed Biixi Oo Si Rasmi ah Dalka Dibaddiisa Ugaga Dhawaaqay Inuu u Taagan Yahay Musharraxa Madaxtinimo Ee Xisbiga Kulmiye

0
25

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Habeen hore kaga dhawaaqay magaalada London inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee xisbiga Kulmiye, isla-markaana uu qayb ka qaadan doono Loollanka Dhawaan Dhici doona. Mr. Yoonis ayaa markii ugu horaysay sida si rasmi ah ugu dhawaaqay, Mr. Yoonis wuxuu sheegay inaanu ahayn musharax qabiil, balse uu yahay Musharrax u taagan inuu Somaliland Badbaadiyo. Mr. Yoonis wuxuu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye inuu dalku u baahanyahay qallin, aqoon, karti iyo hogaan la tallaabsan kara kobcinta dhaqaalaha, adkaynta nabadgelyada iyo horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirku wuxuu sheegay inay Somaliland marayso biriij labadiisa dhinac isla markaana isagu uu leeyahay khibradda sida uu sheegay uu Somaliland ku gayn karo beesha caalamka. Wasiirku wuxuu sheegay in intuu uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ahaa uu ka shaqeeyay sidii ay Somaliland mansabkeedu u gaadhi lahayd heer caalami ah “madaxdeenu waa markii ugu horaysay ee madaxweyne Somalilander ahi uu booqasho rasmi ah dal ka mid ah midawga yurub hogaamiyayaashooda la fadhiisto, waxay markii hore madaxdeenu la kulmi jireen heer wasiiro” ayuu yidhi Wasiir Biixi. Mr. Yoonis wuxuu sheegay in barnaamijkiisa ololaha uu ku gallaya ay ugu horayn doonto sidii ay Somaliland u noqon lahayd meel dunidu aaminto, la maalgashado isla-markaana shaqo la’aantu hoos u dhacdo, wuxuu sidoo kale sheegay inuu xooga ugu weyn iskugu gayn doono sidii ay Somaliland sida ugu fudud ugu biiri lahayd beesha caalamka, waxa uu sheegay inaan aqoonsigu ku iman doonin in la fadhiyo oo la hadal hayo, balse ay u baahanyahay in danaha Somaliland iyo danaha dunidu ay is waafaqaan.Maxamed Biixi
Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay tartan xor oo xallaal ah oo uu la gallo cid kasta oo uu ku jiro hanka tartanka musharaxnimada xisbiga Kulmiye.
Ku dhawaaqistiisa ayaa muujinaysa inuu kalsooni badan ku qabo mus danbeedka xisbiga Kulmiye, iyadoo xilligani uu Mr. Yoonis safar ku wehelinayo dalka ingiriiska madaxweyne Siilaanyo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here