Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ku Guulaystay Inuu Furo Shirkii Nabadaynta Beellaha Ceel Afweyn Iyo Oday-dhaqameed Ka Hadlay Habsami U Socodka Hawsha

0
15

Ceel-Afweyn(Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa dadaal dheer iyo hawl culus kadib waxa uu shalay ku guulaystay inuu furo shirkii nabadaynta beelaha Walaalaha ee shaqaaqadu dhex martay ee Wada dega Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, shirkaasi oo ergo culus oo reer Somaliland oo dhan ka socotaa iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay iskugu tagtay,Waxaanu shirkaasi hadda si hamsami ah uga socdaa Goobta gogosha la dhigay oo la isku soo hor fadhiisiyay labeenta oday dhaqameedka Beelaha Dirirtu dhex martay oo dhawaan gacmaha la isku saari doono. Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo bilihii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegaankaasi shirka nabadayntu ka socdo ayaa si rasmi ah nasiib ugu yeeshay inuu shirkaasi furo kadib culays badan oo siyaasadeed oo kaga imanayay Jihooyin badan. Oday Axmed Xuseen Faarax oo ku sugan Deegaanka Ceel Afweyn oo Warbaahinta la hadlay ayaa si nuux nuuxsaday arimahaasi waxaana uu yidhi “Waxaa Illaahay Mahadii ah in Wasiirkeena Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed uu dadaal dheer iyo hawl badan kadib uu ku guulaystay inuu si rasmi ah oo habsami ah u furo shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee Ceel Afweyn,waxaan Alle ka baryaynaa inuu Ergada halkaasi iskugu timid ee Reer Somaliland ee sheikh iyo shariifba leh uu ka aqbalo ducadooda oo uu beelahaasi walaaleeyo,halkaasina ay inagaga soo afjaranto colaadaasi, waxaan sidoo kale Mahadnaq halkan uga soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu gogoshan fidiyay, sida xilkasnimada leh ee ugu hawlan yahay sidii uu Colaadaasi u soo afjari lahaa,Nabadna uga dhex dhalin lahaa Beelahaasi walaalaha ah ee Shaydaanku isku diray”.

“waxaa wax laga xumaado ah in Shirkaasi ay hagar daamo ku hayaan Masuuliyiin Magac ku leh Somaliland oo Dadaal Ugu Jira sidii uu Shirkaasi u burburin lahaa, Waxaan Alle ka baryayaa inuu Xaqa garansiiyo” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Oday Axmed Xusen Faarax oo ka mid ah Oday Dhaqameedka Bariga Magaalada Burco.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here