Waxa uu Xusay Inay Iskudayo Kufsi iyo Hablo Rag La Siiyey Ka Cararaya Isugu Biyo Shubteen Dhammaanba Kiisaskii Bulshada cabsida ku abuuray ee Gacanta Booliska Soo Galay
Gudaha Ka Akhri Nuxurka Shan Qiso Oo Xiiso Badan Oo Kasoo Baxay Kiisaskii Boolisku Baadheen
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si saraaxad leh uga sheekeeyey natiijada dhacdooyin intooda badani gacan-ku-rimis ahaayeen oo la xidhiidhay afduub iyo isku dayo dadka xubnaha jidhkooda lagula baxayo muddooyinkii ugu dambeeyey dhegaha bulshada reer Somaliland si weyn u haystay, waxana uu si gaar ah farta ugu fiiqay shan kamid ah dhacdooyinkaas oo iyaga markii raadkoodii la raacay ay natiijooyin lama filaan ihi kasoobaxeen.
Wasiirka oo shalay hadal kooban ka jeediyey xarunta ciidamada Booliska Somaliland ku leeyihiin Hargeysa oo uu madaxweynuhu kormeer ku marayey, ayaa shacabka u bayaamiyey maxsuullo door ah oo kasoo baxay dhacdooyinkaas bulshada dhexdeeda shakiga badan ku beeray ee lagu sheegayey inay dalka joogaan shakhsiyaad xubnaha bani’aadamka ka ganacsadaa, isaga oo arrintaasna si weyn u deedafeeyey.
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu xusay inay gacanta ciidamada ammaanka soo galeen in ka badan labaatan kiis oo arrimaha af-duubka dadka iyo shakiga laga qabo inay dadka xubnaha jidhka bani’aadamka ka ganacsadaa lug ku leeyihiin, balse ay tiro kooban oo kiisaskaas kamid ah noqdeen dhacdooyin natiijooyin dambe yeeshay oo meel ku biyo shubtay.
Wasiirka oo ugu horrayn sharraxaya tirada kiisaska bulshada shakiga geliyey ee la xidhiidha dadka la afduubtay ee loo qaatay in xubnaha jidhkooda dartood loo qaatay, ayaa waxa uu yidhi, “Waxa jirey ilaa 21-dhacdo oo arrimahaas(af-duubka iyo dadka laayey) ku saabsan oo ciidamada amniga loo keenay, dhammaantoodna magacyadooda iyo meelaha ay ku dhammaadeen baanu haynaa, waxana wax kasoo qaad yeeshay shan dhacdo oo keli ah, guddida nabadgelyada qarankuna arrintaas gacantay la gashay.”
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu mid mid u dul istaagay shanta dhacdo oo dhammaantood la xiddhiidha dad ay ehelladoodii waayeen, waxana uu ku bilaabay hablo dhallinyaro ah oo Burco lagu waayey, balse markii dambe xaafado Hargeysa ku yaalla laga helay, iyaga oo aan wax dhibaato ah qabin, waxana uu yidhi, “Shantaa dhacdo mid walba magaceeda waa la hayaa, saddex kamid ahina waxa ay ka dhaceen Burco oo midka mid ah laba gabdhood oo yaryar waxa laga soo kexeeyey magaalada Burco, waxana mid laga helay gacan-libaax, midna xaafadda masallaha, cidkastaana ha qaadatee waanu ku daba jirnaa, sida ay ku timina waa wax ay ciidamada ammaanku baadhayaan, laakiin shacabka waxanu u xaqiijinaynaa inaan cirdigooda lagu xad-gudbin oo aan la kufsan oo aan xubnahooda lala bixin.”
Isaga oo qisooyinkaas natiijada yeeshay ee shanta ah kasii sheekaynaya, ayuu wasiirku soo qaatay dhacdo ka dhacay magaalada Burco oo uu xusay inay ahayd isku day kufsi oo uu ku kacay wiil wade ka ahaan baabuurta yaryar ee Tukhaanta loo yaqaanno, balse markii dambe ay bulshadu u turjumeen inuu af-duub ahaa, “Waxa kale oo jirta gabadh raacday nin dhallinyaro ah oo gaadhiga Tukhaanka ah magaalada Burco ka raacday, ninkaasina gabadhii buu hungureeyey, waxana uu ku dayey shuqul aan sax ahayn Iyana way qaylisay, isna wuxuu damcay inuu gaadhiga ka tuuro, ninkaas dhallinyarada ahn waa la hayaa, meel uu ula baxsanayeyna ma jirto,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo sheekada qisooyinka natiijadooda ay ciidamada ammaanku heleen kasii sheekaynaya, ayaa waxa uu yidhi,“Dhacdada afraad waa gabadh Hargeysa ka tagtay oo 2-bilood la la’aa, waxana laga helay iyada oo tukaan Berbera ku yaalla ka shaqaysata, waxana ay aakhirkii ku ururtay in nin la siiyey ay ka carartay, dhacdada shanaadna waa gabadh la tahriibiyey oo Hargeysa laga kexeeyey oo guri Burco ku yaalla laga helay iyada oo laba bilood ka shaqaynaysay, hablahaasina waxba ma qabaan oo way bad-qabaan, mana jiraan dad ajaanib ah oo guryo u samaystay inay xubnaha dadkeena qurbaan.”
Wasiirku waxa uu sheegay inaanu jirin hal qof oo qoyskoodii ka maqani, isaga oo codsaday inay ciidamada lasoo xidhiiddho cid kasta oo ay xubin ehelkooda ahi maqan tahay, “Ma jiro hal qof oo qarankan ka maqan oo aan meel lagu ogayni, waxana aanu caddaynaynaa inaanu jirin hal qof oo xubin jidhkiisa kamid ah lagala baxay, haddii ay khatar nabadgelyo timaaddona xukuumadda shacabka ayaanu nahay oo uma qarin karno,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.