Wasiir Qabo Oo Baabuurro Uu Olollaha KULMIYE Ugu Talo-galay Ku Wareejiyey Guddiyada Afar Degmo Oo HAWD Ka Tirsan

0
135

“WAxa Aan Rabaa In Laygu Daydo Oo Wasiirrada Kale Iyo Maamullada Aan Tusaalle U Noqdo…..Dad Badani waxay is Odhan Doonaan Baabuurtan Ma Wasaaraddaa Leh Mise Xukuumadaa Bixisay?, Laakiin…..”

 

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabo  ayaa maalintii shalay hoggaanka xisbiga KULMIYE ku wareejiyey baabuurro uu sheegay in uu ugu talo galay in xisbigu kaga qayb galo ololaha doorashada kuwaas oo ka hawl gali doona gobollada Hargeysa iyo Hawd. Wasiir Qabo oo madashii uu baabuurtan oo tiradoodu afar tahay ku wareejinayay ayaa sheegay in uuugutalo galay in ay  guddidayada ololaha ee xisbiga KULMIYE ee gobollada Hawd iyo Hargeysa ku shaqeeyaan isla markaana ay ka hawl galaan deegaammada Balli gubadle, Balli Cabanne, Gunburaha iyo degmada Sayla.  Hadalkii uu wasiirka qorsheyntu halkaas ka jeediyeyna waxaa uu u dhignaa sidan: “Bismilaahi Raxmaani Raxiim… Waxaa Farxad Noo Ah inaan Maanta Wareejiyo Gaadiid Tiradoodu Tahay 4 Oo Aan ugu Talagalay Gobolka Hawd Waqtiga Kaanbaynka iyo 1 aan ugu Talo Galay Gobolka Maroodijeex. Baabuurtaas waxay ka Hawl Gali Doonan Afar Degmo Oo Kala Ah Baligubadle, Balicabane, Gunburha iyo Degmada Seyla Sida ay Magacyadooda ka Muuqato islamarkaana Aanu Ku Xaradhnay Calaamadii Xisbiga Kulmiye Ee aynu Ku Abtirsano Dhawaana Waxay Bilaabi Doonaan Shaqadooda. Waxaan si Rasmiya ugu Warejinayaa Gudida Kaanbaynka Ee Gobolka Maroodijeex iyaguna waxay Kusii Wareejin Doonaan Gudida Degmooyinka aan ugu Talo Galnay. Ujeedo Kale Kama Lihi  ee Waa Xisbi aynu ku Abtirsano Kulmiye Kaliya waxay iga tahay dardar Galin Hawlaha Mugga Leh Ee inugu Soo Socda,Waxaanan Doonayaa in Lagu Daydo Maaha in Aynu Hogaanka Xisbiga ama Xukuumada Wax Ka Doono,Qof Kastaaba Waxbuu Qaban Karaa Xitaa Calan ayaa lasoo iibin Karaa. Hadaad Aragteen Hogaanka Xisbiga Hoygiisa Hargeysa Mar walba Waa mashquul,Wax kale Maaha Ee iyaguunba Wax laga Doonayaa Laakiin Sidaa Maaha Waxaan Rabaa inay Dadkeenu Bartaan inay Siyaasadu Ku Wanaagsntahay Wadaaga,Wax istarka iyo isla Qabashada Waayo Waynu Wada Leenahay Waa Xisbigiinee. Dad Badani waxay is Odhanayaan Lacagtan Ma Xukuumadaa Mise Waa Wasaarad,Maya Waa Mid Shakhsiyan ah,Markaa Waxaan Rabaa in Laygu Daydo Oo Wasiirada iyo Maamulada kale igu Daydaan. Waxaad arkeyseen oo Maqleyseen Odayaal Reerka ah Oo Cararay Waxaan Leeyahay Hangaraarac Lug uma Dhitayo Reerku intaa Waa Ka Weyn Yahay anaguna Taageeridadii,Tamartii iyo tacabkii Xisbiga aanu U Haynay Muuse Biixi Cabdi Waa ku Daba Galaynaa Waanan Ku Taageersanahay. Waxaa la Lahaa Maalmahan Waa Lagu Waayay Hadaanu Maqanahay iyo Hadii aan Joogaba Xisbiga ayan u Joogaa,Wax iska Badalayaana Ma Jiro,Muuse Maanta Guusha Ma Helin Ee Hore ayuu u Helay,

Waxaa Ogaydeen Waqtigii Muuse La Dooranayay in Musharax uu isna Noqday axmed kijaandhe Oo Dhinacayga Taagan Oo inderkay ah umaanan Codeyn Ee Muuse ayaanu ugu Ridnay Hadaanu axmed ka Leexanahay ma naga Filaysaan inaanu Meel kale u Leexanayno. Anagu Waxaanu Hiil iyo Hooba la Hareero Taaganahay Muuse Biixi Cabdi ilaa inta aanu Kursiga Dalka u Sareeya ku Fadhiisinaynana Sidaa ayaanu Gacmaha isu Haysanaynaa”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirka qorsheynta qaranku

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here