Wasiir Qabo Oo Booqday Dugsiga Sare Ee Suld. Max’d Suld. Faarax & Ballan Uu Daabuurka Hortiisa Ka Qaaday Oo Ardayda Farxad-gelisay

0
74

 Ardayda Iyo Maamulka Dugsiga Sare ee Suld. Maxamed Suld. Faarax Oo Wasiirka Qorsheynta Faraqa Ugu Guntay Farriin Duur-xul Ah Oo Naanaystiisa Ka Turjumaysa

“Inankii Halkan Ka Hadlayay Wuxuu Igu Yidhi, Magacaaga Qabyo-Tire Ayaa La Yidhaahdaa, Halkanna Qabyo Badan Baa Kajirtee Qabyo-Tir!,  Ballan Baan Ku Qaadayaa Oo  Inta Dhiman Waan Idinla Qabanayaa”

sss

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha caalamiga ah ee JSL Md.Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa booqasho kedis ah ku tegey shalay subaxnimadii xarunta dugsiga sare ee loogu magac daray suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo kuyaalla xaafadda Masallaha ee Magaalladda Hargeysa.  Wasiirka oo booqashadiisa ku beegay subaxnimadii hore xilliga ay ardaydu galaan safka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay aasaasaha dugsigaas ahna afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji XAsan oo ay weheliyeen ardayda iyo macalimiinta dugsiga, isaga oo Wasiir qabo intii aanay  ardaydu gelin fasallada ee aanay u  bilaabmin casharradu khudbad uga jeediyey daabuurka ay ardaydu safnaayeen,  waxaanu halkaasi kaga warramay dareenkiisa la xidhiidha aasaaska dugsigan iyo kaalinta uu ka qaadan doono horukaca waxbarasho eedeegaanka uu ku yaalla. Ka hor khudbad wasiir qabo waxaa isagu halkaasi kahadlay aasaasaha dugsigan sare ee Suld. Maxamed suldaan Faarax Ahna Afhayeenka wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo  ka warramay sidii uu ku dhashay fikirkii ay ku hirgeliyeen dugsiga iyo duruufihii sababay, kuwaas oouu sheegay in ay kamidho dhalintiisa caqabado badan kala kulmeen, hase yeeshee aakhirkii ay isaga iyo xubno kale oo kamid ah aqoonyahanka magaalladu ku guuleysteen in albaabada furo dugsiga islamarkaana loogu magac daro suldaankii halganka Somaliland Suld. Maxamed Suldaan Faarax.

 “waxaan si kal iyo laab ah aan ugu mahad naqayaa wasiir Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire)  oo runtii aan uga mahad naqayo waqtigan in uu halkan inalaha joogo iyada oo ramadaan ah waxaanan leeyahay Md. Wasiir waanu kaa filaynay inaad halkan noogu timaado markii aad maqashay duruufaha dugsigan yaalla iyo waayaha ku gedaaman oo ah kuwo u baahan in la daboolo”. Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu, waxaanu intaa ku daray “marka laga hadlayo magaallada Hargeysa waxaaka jira 11 dugsi sare oo dawli ah oo kani ugu yar yahay, hase yeeshee dugsigani waxaa uu dugsiyada kaleoo dhan kaga duwan yahay masaafada uu jiro taas oo sababtay  in muddo saddex sanno ah oo dugsigan ku qaadatay in uu furmo  ay caqabadaha hortaagnaa kamid ahayd masaafadda uu magaallada u jiro, waxaana aanu maamul ahaan  uu dugsigu markasta u mahad naqayaa oo in dugsigu furmo qayb laxaad leh ka qaatay wasiirradii u kala dembeeyey wasaarada waxbarashada kuwaasoo kala ah wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada haatanna ah wasiirka maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu qoondaysay in halkan laga furo dugsiga, wasiirka haatan ee waxbarashaduna md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne uu wax badan ka qabtay hirgelintiisa”. “Duruufaha ku gedaaman dugsiga waxaa kamid ah mid ay sababtay masaafadda uu magaallada u jiro ooardayda aan u saamaxayn in ay waqtiga subaxii xisasku bilaabmayaan kasoo gaadhaan,  taas bedelkeedana annaga oo daboolayna culayska ardayda ka haysata imaanshiyaha dugsiga oo kafog magaallada inteedakale aanu kharash garayno basas ardayda soo qaada iyo weliba baahiyaha macalimiinta dugsiga wax ka dhiga oo aan dhinaca wasaarada kagunaysnayn. Bil walba waxaa kharashka basaska iyo gunnada macalimiinta ku baxda $3500, kuwaas oo kala ah tobanka macalin ee wax ka dhiga oo midkiiba $200  gunno ahaan u qaato bishii iyo  $1500 oo ku baxda kharashka basaska ardayda soo qaada maadaama oo masaafo 7Km ujirta magaallada uu dugsigu ka durugsanyahay. Anigu Cabdillaahi ahaan waxaan soomaray macalin, maamule dugsi,  guddoomiye waxbarasho gobol, afhayeen wasaaradeed haddana hammigaygu waxaa weeye inaan wasiir noqdo, adigan [Wasiir Qabo] hammigaagu waxaa weeye inaad xilka aad hadda hayso kagudubto oo aad illaahay idamkii gaadho xil illaa heer hoggaamiye gaadhsan, arrimahaasna waxaa qofka u sahlaya oo uu wax ku noqonayaa hadba sida uu uga qayb qaato halganka nololeed ee dadkiisa iyo sidii uu maalinba duruufta taagan ee dadkiisa ugu hagar la’aado, markaa anigoo og doorkii aad kasoo qaadatay qaranka iyo kaalmihii aad ku lahayd iyo inaanad ahayn nin masuuliyadaha qarankameel hoose kaga soo dhex dhacay ee aad  meel hoose kasoo bilowday oo aad soo noqotay shaqaalle dawladeed, agaasime waaxeed, la taliye madaxweyne, baadhasaab, maantana ah wasiirkii wasaaradda qorsheynta oo kamid ah wasaaradihii uu soo maray madaxweyne Siilaanyo, sidaas darted waxaanu dugsi ahaan md.Wasiir kaa rejaynaynaa in wixii karaankaaga ah aad baahida dugsigan taalla aad wax nagalaqabato, ta guud ee qarankana aad suurtogelinteda nala riixdo”. Sidaas ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Ibraahim.

Geestiisa wasiirka qorsheynta Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo halkaasi khudbad kajeediyey ayaa niyad sami ka muujiyey hamiga lagu furay dugsigan, waxaanu  halkaasi kaga tiraabay hadal farxad geliyey ardayda iyo maamulka dugsigaba, isagoo  wasiirku sheegay in uu si hagar la’aan ah uga hawl gelayo kamidho dhalinta warqad codsi ahayd oo salaadiinta deegaanka dugsigu ku yaallaa u  gudbiyeen Madaxweynaha “Anigu waan ka war hayaa duruufaha dugsiga la deriska ah iyo inuu ka fog yahay magaallada, sidaasi darted warqadda codsiga ah ee ay madaxda iyo salaadiinta deegaanku ay u gudbiyeen madaxweynaha ee la xidhiidha duruufaha dugsiga waan ka hawl galayaa anigu, waxaanan idiin ballan qaadayaa in aad arday ahaan dhawaan waad arki  doontaan  in culayska dhaqaale iyo kirada basasku idinka dhaco, basaskuna ay free idiin noqon donaan”. Sidaas ayuu yidhi wasiir Qabo, waxaanu intaa ku daray “ waxa kaleoo aan ka hawl geli doonaa iskuulka inta kale ee dhamaystirkiisa in la qabyo tiro, anigoo sidoo kale Muj Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uga mahad naqaya in deyrka intaas  le’eg ee dugsiga uu ku dhiirrado bixinta kharashkiisa, waayo Muj. Muuse Biixi waxaa uu garanayaa magacan dugsigu wato iyo shakhsiyadii saaxiibkii Suld. Maxamed Suldaan Faarax oo ay saaxiib dhaw iyo gacan saarba lahaayeen, markaas dee Muuse Oo Innoo noqda madaxweynena maxaad filaysaan,  waxaa aynu arki doonaa iskuulkan oo innoo noqda dabaqyo insha allah. Maanta Muuse Wixii uu inna gashaday ayaynu innaguna dib ugu celinaynaa waayo maanta madaxweyne ayuu doonayaa sidaas darteed  maalinta uu innoo baahdana meesha ay gacanteenna iyo warqadeenu ku dhacayaan waynu garanaynaa oo innagu wax gaar ah siin maynee waxaas uu tacab inna gashaday maanta ayaynu maalintaas innaguna siinaynaa”.ayuu yidhi wasiirku. Gebogabadii hadalkiisa waxaa uu wasiirku ka jawaabay codsi duurxul ahaa oo mid kamid ah ardayda dugsiga oo afka ardayda ku hadlayay kaasi oo farriin ka turjumaysa magaciisa iyo filashada ay arday ahaan kafilayaanba faraqa ugu guntay wasiirka, “waa run oo inankii halkan ka hadlayay waxaa uu igu yidhi magacaaga waxaa la yidhaahdaa Qabyo-tire dugsigana qabyo badan ayaa ka jirtee dee qabyo-tir!!!, waxaan leeyahay ballan baan ku qaadayaa inaan aniguna idiin qabyo tiro inta ka dhimanna waan idinla qabanayaa, immika laga bilaabana dugsiga waan ku xidhnaanayaa oo saaxib dhaw baan idinla noqonayaa, cagtayduna ma noqonayso markii ugu horreysay ee aan idin imaado ee idinkamid baan noqon doonaa insha alla”.ayuuyidhi wasiirka wasaaradda qorsheyntu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here