Wasiir Sacad Oo Warwar Ka Muujiyey Saamaynta Uu Saldhigga Imaaraadka Laga Berbera Ku Yeelan Karo Xidhiidhka Somaliland Iyo Ethiopia

0
45

“Ethiopia waa waddan badda ka xidhan, waxana ay isticmaalaan dekedda Djibouti oo kali ah, qorshuhuna waa inay ka Berbera-na isticmaalaan, markaa waxkasta oo saamaynaya marinnada ay la leeyihiin baduhu warwarkeeda ayey leeyihiin”Wasiir Sacad Cali Shire

sacad-cali-shire

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay saldhigga xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Imaaraadka ka siisay magaalada Berbera, waxana uu muujiyey warwarka ay dawladda Ethiopia ka qaadday saldhigaas iyo saamaynta uu yeelan karo.

Wasiir Sacad oo maalintii shalay saxaafadda xafiiskiisa kula hadlay, ayaa ugu horrayn qiray jiritaanka saldhigaas, waxana uu hoosta ka xarriiqay in saaxiibtinimada Somaliland iyo Imaaraadka u dhaxaysaa keentay bixinta saldhigaas, “Waa run oo way jirtaa in waddanka Imaaraadku saldhig militeri ina weydiistay, arrintaasina waa arrin guud oo la wada ogyahay, marar bandanna laga wada hadlay, Imaaraadkuna waa waddan aynu saaxiib nahay, saaxiibadduna saldhigyo way isweydiistaan,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu wasiir Sacad Cali Shire  ka marag kacay halista uu saldhigaasi ku yeelan karo dawladda Ethiopia oo saaxiib dhaw la ah Somaliland, isla-markaana qaranka looga baahan yahay inaanu lumin saaxiibtinimada Ethiopia iyo midda Imaaraadkaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ethiopia iyo Imaaraadku waa laba waddan oo aynu saaxiib nahay, saldhigyo militerina warwarkoodana way leeyihiin, manfacoodana way leeyihiin, markaa Somaliland waxa u taalla sidii ay saaxiibadeedaas labada ah u ilaashan lahayd, Ethiopia waa waddan badda ka xidhan, waxana ay isticmaalaan dekedda Djibouti oo kali ah, qorshuhuna waa inay ka Berbera-na isticmaalaan, markaa waxkasta oo saamaynaya marinnada ay la leeyihiin baduhu warwarkeeda ayey leeyihiin.”

Wasiirku waxa uu xusay in go’aanka ugu dambeeya ee saldhigaasi u yaallo madaxweynaha oo usii gudbin doona labada gole ee dalka ugu sarreeya,“Go’aanka saldhigaas waxa iska leh madaxweynaha iyo labada gole baarlamaan, insha allahna madaxweynuhu marba go’aanka uu ka gaadho waxa uu la qaybsan doonaa labada gole, iyaguna waxa ay ka gudan doonaan waajibaadkooda” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here