iyadoo lagu yidhi Sacad Xaaji Cali Shire Cadee Mawqifka uu ka Qabo Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, Sacadna uu Laalay Kiiskaasi
Hargeysa (Hubaal) Waa markii Labaad ee Muddo todabaad ah la kala dooransiiyo Wasiiradda Xukuumadda in ay raacaan Labada Xulufo Garabka Wasiir Xirsi oo Madaxweyne Siilaanyo u matalayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, iyo Garabka Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan loo Doortay inuu hogaamiyo Xisbul Xaakimka Kulmiye
Labadan Garab ayaa jiq isku noqday ka dib markii uu shaaciyey Muuse Biixi Cabdi inuu yahay Musharaxa jagada Madaxweynaha ee doorashada fooda inagu soo haysa hadaba iyadoo todobaad ka hor la hor dhigay Wasiirkii Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalimaga ee Maxamed Cabdillaahi Cumar inuu labada Garab mid raaco kaasi oo ku gacan saydhay si toos hoose iyo si sareba u taageeray Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyenimadiisa ugu danbaynitiina kaliftay inuu ku waayo xilkii Wasiirnimo
Warar lagu kalsoonyahay baa hadaba xuuraamay shalay Galab ay lahaayeen Kulan Qarsoon Xulufada Kooxdqa Wasiir Xirsi iyadoo Xirsi uu diray Baaq uu yidhi waa inay muddo laba maalmood ah ku soo xaroodaan madaxda Dalka dibadiisa ugu maqan iyo Badhisaabyada fadhiya Fadhiisimadooda Goboladda
Sacad Xaaji Cali shire ayaa dhawaanahanba khilaaf ka dhex taagnaa madaxtooyadda iyo wadashaqayntiisa taasi oo markii danbe loo arkay in Sacad aanu ka daacad ahayn wada shaqaynta Maamulka Axmed Silanyo khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayay Xukuumadda Axmed siilaanyo Xal mooday inla Sarifo Wasaarada Qorshaynta, Waxaana dhawaan Dikreeto Madaxweyne lagu magacaabay Masuul ay hoos tagto waaxdii ugu balaadhnayn waaxaha wasaaaradaa , waaxdaa oo loo magacaabay Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed oo hore loogu bartay nin aan ahayn nin miisaaman oo lagu tiroyo kooxaha xag jirka ku ah guulwadaynta in uu noqdo lataliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaaha caalamig ah iyo kuwa Maxaliga ah, Cabdifataah ayaa si toos ah ula wareegay a hawlihii hay’adaha a oo dhan gacanta loo galiyay, Magacaabista Cabdifataax oo uu Baashe Cawil ku qasbay Madaxweyne Silanyo inuu Magacaabo ka dib Markii Wargayska Haatuf uu jawaab ka bixiyey Warar uu qoray Wargaysku oo Khusaysay Hanti Boobka uu ku hayo Hantidada Qaranka Wiilka Madaxweynuhu u soddoga yahay si kastaba ha ahaatee
Amaan Baashe iyo Weerar uu Cabdifataah weeraray Wargayska Haatuf ayuu ku Calfaday Waaxdii ugu waynayd Wasaarada Qorshaynta Qaranka
Hadaba Wasiir Sacad ayaa ku gar naqsaday oo yidhi hawshani waa taydii ee siday ku dhacday in Wasaaradayda la sarifo, arintanna waxay dhalisay khilaaf xoog badan oo u dhexeeya Wasiriirada Xukuumadda Axmed Silanyo ugu Cadcad sidoo kale Xubnaha Haysta Ruqsada Awooda Qarsoon iyo Wasiir Sacad Xaaji Cali Shire
Hadaba iyadoon dhawaanahan lagu arag Sacad Xaaji Cali Shire Agagaarka Madaxtooyadda waxaa yimid khilaafkii iyo Hirdankii Kulmiye taasi oo sababtay in Xulufo uruursigii Wasiir Xirsi ay ka wadi waydy inuu xalay la galo Shir wasiiradda Xukuumadda inta uu ka shakisanyahay isaga oo ka bilaabay Sacad Xaaji Cali Shire muddo dheer markii la is mari waayay garnaqsiga aayaha Kulmiye Sacad waxa uu yidhi anigu Wasiir baan ahay hawl kulmiyena la iima dirsan Dagaalka aad jeedo Wasiir Xirsi meesha ma yaalo Waa Talo iyo Siyaasad waxa la isku hayaa Muuse Biixina Xaq buu u leeyahay inuu is Sharaxo cida aan taagerayana marka ay timaado loolanka musharaxnimo waa mid aniga muwaadin ahaan aan xaq u leeyahay inaan siin karo cidii ila talo qurxoonaato
Hadaba iyadoo sidaa lagu kala dhaqaayiyay ayaa saaka looga yeedhay Madaxtooyadda Sacad Cali Shire taasi oo aanu garanayn sabab loogu yeedhay Markuu iska xaadiryey Madaxtooyadana Askartii Gaydhku ka celisay Sacad inuu galo Madaxtooyadda
Arintan oo ujeedo Kaliya lahayd in la tuso Dalka inuu Xirsi Maamulo iyo bahdil ah in hadii aad nala safan weydo aanu kaa yeeli doono sidii la doonayo
Mar ay la xidhiidheen qolo Suxufiyiinii waa uu iidiiday Sacad inuu arintaasi wax ka taataabt
Xigasho: Hilaacmedia